Sheekh Cali Dheere oo si kulul uga Hadlay Dilalka Foosha Xun ee kusoo batay Magaalada Muqdisho sheegayna Cida ka dambeysa

Friday, March 15, 20130 comments



Afhayeenka Guud ee Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo la hadlay Warbaahinta Al-Shabaab ayaa ka hadlay Dilalkii ugu dmabeeyay ee ka dhacay Magalaada muqdisho gaar ahaan meydad lagu arkay Xaafado kamid ah Magaalada.

Afhayeenka ayaa xusay in Dilalkii xumaa ee Muqdisho ka dhacay Sadaxdii maalin ee lasoo dhaafay uu ku noqday uur kutaalo ay ka aamusi waayeen sida uu Xusay ayna aad uga xun yihiin dhalinyarada sida xun loo dilay ee Meydadkooda la dhigay xaafado kamid ah Muqdisho.

“ Aad iyo aad ayaan uga xunahay waxa Muqdisho ka dhacaya Waxaan shacabka Muslimiinta uga Tacsiyadeynaynaa Xasuuqa lagu hayo ubadkooda,lagu hayo culimada iyo dumarka,reer Muqdisho waxa idinku dhacaya waa wixii aan marar badan idinka digi jirnay”ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.
  
Sheekh Cali Dheere ayaa intaa ku daray in waxa hada Muqdisho ka dhacaya ee yihiin wax aan waligeed magaalada ka dhicin eena ka dambeeyaan Ciidanka Dowlada isagoo xusay in dhalinyarada inta xabsiyada la geeyo kii lacag cidiisa bixin weysa xabsiga inta laga soo bixiyo six un loo dilo jidadkana la dhigo.

Dhalinyaradii Meydadkooda lagu arkay qeybo kamid ah Magaalada Muqdidsho ayaa la sheegay in ee u badnaayeen dhalinayro horey qaarkood loogu qabtay Tuhun la xariira in AL-Shabaab katirsan yihiin Xabsiyada Nabad Sugidana la dhigay .

Hadalka Afhayeenka Al-Shabaab ayaa imaanaya xili Magaalada Muqdisho maalmihii ugu dmabeeyay ee kusoo kordheen Dilal aad u qorsheesan taa oon wali si rasmi ah loo cadeyn cida ka dambeysa.




















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog