Tusaalooyinka markiid aad Isku diyaarineyso Qoyska wanaagsan..!!

Thursday, March 21, 20130 comments



Waxaynu hadaba ka hadlaynaa qodobada laga rabo lamaanaha is guursaday , maanata waxaynu soo qaadanaynaa qodobo dhawr ah oo aan ugu nasteexaynayo walaalkayga muslimka ah ahna qodobada laga rabo inuu kula dhaqmo xaaskiisa ama gacalisadiisa uu la wadaagayo nolosha.
                  
Ninka waxa looga baahanyahay inuu kula dhaqmo xaaskiisa cusub edeb iyo dhibkeeda oo uu dulqaato, Ninku kolka uu guursado waxaa laga doonayaa inuu wax ka beddelo dhaqankiisa iyo akhlaaqdiisa, kana gudbo dhallinyaranimadii iyo marxaladii uu ku noolaan jiray kolkuu naftiisa uun mas'uul ka ahaa, uuna is dareensiiyo in fal kasta oo ka dhacaa isaga uu u saameynayo gacalisadiisa uu la wadaagayo nolosha cusub. Eebbe waxa uu Aayaddiisa Qur’aanka ku yiri:

(haweenkiinna wanaag kula noolaada) waxa kale oo la soo wariyey in ninkii ku sabra edebdaro ay gacalisadiisu samaysay uu illahay S.W.T. uu siinayo ajar la mida kii eebe siiyey nabi ayuub cs markii uu ku sabray imtixaankii illahay, waxa kale oo lasoo wariyey gabadhii ku samirta edebdaro uu sameeyey xabiiigeedu uu illahay siinayo abaalmarin u dhiganta tuu siiyey Aasiya oo ahayd haweenaydii Fircoon. Maanshalaah markaas miyaanay ahayn in aynu isku samirno oo aynu isku dulqaadanosi guryaheenu u noqdaan guryo ku dhisan kala danbayn iyo raalida illahay S.W.T?

Waxa kale oo looga baahanyahay walaalkayga muslimka ah in uu xaaskiisa la kaftamo oo uu la faraciyaaro, Kaftanka iyo faracayaarku way farxad geliyaan dumarka, Rasuulkuna scw wuu la kaftami jiray haweenkiisa. Waxa la weriyey inuu Rasuulku scw la baratami jiray Caaishah (RC) marka ay cararayaan oo ay marna ka dheerayn jirtay, markuu asagu ka dheereeyana dhihi jiray tii hore u qaado. Haddaba walaalkayga muslimka ah waxaa lagaa doonayaa in kolkuu haweeneydiisa la joogo iska bibiiyo adadayga, ulana ciyaaro sidii inu carruur yahay, balse markuu la joogo saaxiibadii uu muujiyo raggnimadiisa.

Kolka uu ninku xaaskiisa u tegayo, waxaa sunno ah inuu ku billaabo magaca Eebbe iyo duco. Ibnu Cabbaas (RC) waxa uu Rasuulka scw ka weriyey inuu yiri: Hadduu midkiin kolka uu xaaskiisa u galmoonayo yiraahdo Allahayow shaydaan naga fogee, waxaad na siisana ka fogee, hadday ubad isu dhalaan shaydaan ma dhibo inshalaah.

Waa inaad gabadhaada masruutaa oo aad u dhamaystirtaa wax kastoo ay u baahantahay oo aad awoodo Rasuulku (Sallallaahu calayhi wasallam) wuxuu yiri: (Diinaar aad Eebbe jidkiis Jihaad ku bixisay, diinaar aad Addoon xorayntiisa loogu haysto siisay, diinnaar aad ruux sabool ah ku saddaqaysatay iyo diinaar aad xaaskaaga siisay, waxaa ugu ajar badan ka aad xaaskaaga siisay). Xadiiska waxaa soo saaray Muslim waxaana laga weriyey Abuu Hureyra.

Dumarku badanaa waxay jecelyihiin in lagula hadlo hadalo macaan sida ( xabiibiti, xayaati, qalbi,gacaliso,quruxeey iwm) ogowna hadaladaasi inay taabanayaan gacalisadaada iyaduna ay kuugu gudayso abaalkooda.

Markaad ka timaado shaqada ama suuqa u keen hadyad ay ku faraxdo, siiba waxay jeceshay,una sheeg inaad u darsatay, inaad jeceshay iwm.

Caruurtaada qaadqaad oo dhundhunko markaad suuqa ama meel kale ka timaado; iyada dhunko una sheeg inaad ku faraxsantahay inaad u timi!












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog