Dowladda Mareekanka ayaa waxay dhawaan Soomaaliya usoo diri doontaa markab weyn oo ay saaran yihiin hub kala duwan kaas oo loogu tala galay in dowladda Soomaaliya ay dalkeeda ku difaacdo.
Mareekanka ayaa horay u diyaariyay markabkaan hubka saaran laakiinse waxa uu sugaayay oo kaliya in Soomaaliya laga qaado xayiraadda hubka ee saaranaa mudada aadka u badan.
Hubkaan ayaa waxaa ka mid ah kuwo ku rakiban gaadiid dagaal oo casri ah, madaafiicda dhulka, qoryo badan iyo rasaas aad u xoogan oo dhamaanba casri ah, waxaana markii uu dalka yimaado laga soo dejin doonaa dekada magaalada Muqdisho.
Hubkaan markii la keeno Soomaaliya waxaa si toos ah gacanta looga saari doonaa dowladda Soomaaliya halka horay AMISOM loo dhiibi jiray, waxaana taasi ay ku tuseeysaa in markaan Soomaaliya ay hub badan heli doonto.
Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa isku raacay in muddo hal sano ah xayiraadda hubka ee saaran Soomaaliya laga qaado, waxayna taasi timid ka dib markii dalal badan oo ka mid ah beesha caalamka ay ku baaqeen in xayiraadda hubka ah ee saaran Soomaaliya laga qaado.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
