Waxa xukuumada Somalia ay sheegtay
dhawaan inaysan marnaba ogolaan doonin deegaanadii degmooyinka loo aqoonsaday
wixii ka dambeeyey dawladii kacaanka ee Maxamed Siyaad uu hogaamin jiray.
Wasiirka Arimaha Gudaha Xukuumada
Somaliya C/kiriin Xuseen Guuleed ayaa sheegay inaysan aqoonsanaan doonin
degmooyinkii la magacaabay ee iyagu hore tuulooyinka iyo deegaanada ahaan
jiray.
Waxa arintaasi soo dhaweeyey tallaabo
wanaagsana ku tilmaamay arintaasi qaar ka mid ah aqoonyahanada Somaliyeed
kuwaasi oo sheegay inan laga fiirsan magacaabista degmooyinka dalka lagu soo
kordhiyey.
Qaar ka mid ah aqoonyahanadaasi oo
saxaafada lahadlay waxay sheegeen inay ku taageerayaan hadalka kasoo baxay
Xukuumada Somaliya oo ku aadaneyd inaysan ogolaan doonin in deegaanada qaar ee
degmooyinka laga dhigay gobollada dalka Somaliya.
Madaxweynihii hore ee Dawladii Kmg
ahayd Sh.Shariif Shiikh Axmed ayaa mudadii uu xilka hayey waxa uu magacaabay
dhawr iyo labaatan deegaan uu u’aqoonsaday inay degmooyin dalka ah taasi oo
hadda laga soo horjeestay.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
.jpg)