Qiso
yar balse xanuun badan waxa ayna ka dhacday magaalada Muqdisho todobaadkii hore
waxaana ka soo xiganay ilo lagu kalsoon yahay oo asxaab la ah shabakada Wararka
iyo Arimaha Bulshada. Newbanaadir.com
Sida
goob joogayaal sheegayaan wiilkaan ayaa xariir waxa uu lalahaa gabar taasi oo
ay magaalada isku barteen in muddo ahna qadka uu jaceyl been ah kaga jilayay .
Waxa
uuna wiilkaas ahaa mid xun balse gabarta ku qiyaanay una jilay in uu yahay nin
wanaagsan , waxa uuna kor iyo hoos ,geed dheer iyo mid gaaban u fuulay in mar
uun uu ku qanciyo in ay kulan wada qaataan fool ka fool ah .
Talaabo
talaabo ayuu ugu qanciyay in jaceyl saafi uu u qabo farxadna uusan dareemeyn
hadii dhankiisa aysan joogin , waxa uuna ugu dambeyntii ku qanciyay in
gurigiisa kula kulanto maalin axad ah .
Waxa
uu ka dhaadhciyay in jawi Romantic ah ay wada qaadanayaan ayna ka hadlayaan
sidii mustaqbal u wadaagi lahaayeen waa ayna ka ogalaatay , intii uu sugayay
imaashaheeda ayuu waxa uu wacay labo saaxibadiisa ah balse aan qoyskiisa soo
dhex galin waxa uuna uu sheegay in hilib maacan u bisil yahay ayna xaafadiisa
yimaadaan.
Saaxibadiisa
waa ay yimaadeem waxa uuna u sheegay in gabar ay u soo socoto oo uu doonayo in
ay kula baashaalaan ,intii saacadda ku dhicin waqtiga i balanta ayaa waxaa
wiilkaas soo wacay hooyadiis oo u sheegtay in dhaqsi uu u yimaado guriga
aabihiis maadaama xaaladiisa adag tahay oo lagu soo booday , waxa uuna
wiilashii u sheegay in uu baxayo balse waxa uu wiilasha kula balamay in
gabartaas ay ku sameeyaan wax waliba oo macaan ah .
Waa
kuwaan saaxibadiisa oo gurigiisa ku sugaya gabartii ,waa ay timid sida balanta
aheyd waa ay kufsadeen damiir laawayaasha ,waxa ayna ka tageen guriga xilli
gabartii ay miir beeshay walaalkeedana oo aaday hooyadii si xaalka odayga uu
wax kala socdo.
Xaashaa
Lillaah hooyadii ayaa durba weydiisay wiilkii maxay walaashaa ku soo raaci
weysay ? yaah walaashey aaaaaaa ? Intee aniga iiga soo raaceysay ? markaas ayay
hooyadii tiray waan ku soo dirnay waayo wicitaan badan aan kugu soo sameynay oo
telka ah waad ka jawaabi weysay sidaa darteed ayaan iyada kugu soo dirnay ,
xanuun badnaa isaga oo aan ka jawaabin hadalka hooyadiis ayuu carar ku yimid
gurigii hooyadii waxa uu arkay walaashiis oo miir daboolan oo hawada lala galay
kuna dhacday shabqada mishin uu isaga dhigay ,,,,,,,,,,,,,,, Xanuun Badnaa
wiilkii oo qarka u saarmay in wadnaha istaago ayay hooyadii guriga ugu timid ,
Dhamaad Dhamaad Dhamaad.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com