Dal kasta oo ku yaala Dunida waxa uu leeyahay Jaamacad ay wax ku bartaan dhalinyaro soo koreeysa oo mustaqbalka dhaw looga fadhiyo in ay bad baadiyaan dadkooda iyo dalkooda.
Dalka Somalia gaar ahaan magaalada Muqdisho Jaamacad laga furo iska daayee xitaa Macalimiintii umada wax bari leheed ayaa iskaga kala cararay Colaada iyo Rasaasta ka taagneed mudo 20 sano ka badan.
Jawiga magaalada Muqdisho oo ku soo laabtay astaamihii lagu yaqaanay dhanka Nabada ayaa iminka waxaa furan oo si weeyn u shaqeeysa Jaamacada Muqdisho oo ay wax ka bartaan Arday aad u fara badan kuwaas oo Mustaqbalka dhaw looga fadhiyo inay Umadooda wax u qabtaan .
Muuqaalkaan waxaad ka arki doontaa xiligii Jaahiliyada Maleeshiyaad Rasaas si arxandaro ah iskula dhaceeyso balse iminka xaalka sidaas wuu ka duwan yahay oo Shacabka magaalada Muqdisho ayaa iskugu faano dhanka Waxbarashada iyo horumarka .
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com