Arin Layaab lah: Wiil dhalin yara ah oo Guursaday hooyada nin uu naftiisa kala baxsan waayay (Muxuu uga dan lahaa?)

Friday, April 5, 20130 comments


Warar xaqiiqada ku saleysan oo ay heshay Shabakada Newbanaadir ayaa waxa ay hoosta ka xariiqeen in ay ka dhacday dalka Soomaaliya arin cajiib badan oo aqristaashu ay in badan ku sheekeyn doonaan.

Mid kamid ah Dhalinyarada Hubeesan oo ay noo shahay hooyadii oo garoob ah ayaa waxa uu nafa ku dhibay oo garaacis iyo indha mudeyn uu isugu daray wiil kale oo ay is-garanayaan oo ay in badan isla soo noolaayeen isaga oo uga faa’iideysanaya Qoriga uu wato.

Wiilkii dhibka loo geysanayay ayaa waxaa ku dhashay fikir ah in uu guursado hooyada ninka isaga dhibka badan ku haya si uu uga xishoodo dhibkana uga daayo , waxa uuna bilaabay in uu la haasaawo hooyada Wiilka dhibay Dhashay oo garoobka aheyd oo iyana aad ugu qanacsan in wiil aad u da’ yaro oo caruuurteeda qaar kayar uu nolosha lawdaago,

waxaana Wiilkan Dhalinyarada ahaa ugu danbeyn u hir galay hadafkiisii ahaa in uu ka xishoodo Wiilka ee dhashay Islaantan oo nafta ku dhibay mar walbana dhibka la daba kacayay.

Dhamaan dadkaan Shabakada Newbanaadir magacyadooda waa heshay hasa yeeshee waxa ay isaga dhaaftay soo bandhigidooda saameyn danbe oo ay ku yeelato qoyska dhaqmaya.

Wiilkii yaraa oo u guursaday xaaskiisa in laga daayo dhibka lagu hayo ayaa waxa uu sheegay in dhibkii lagu hayay uu dhamaaday wixii ka danbeeyay guurkiisa cusub kaas oo uu ku sheegay mid laga gaaray danihii laga lahaa Wiilkii Dhibi jirayna uu hada adeer u yahay uu ka xishoodo hadii uu arko.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog