Ciyaar Yahanka C.Ronaaldo oo lagu doon siyay kidtaabka quraanka kariimka ,, eedeena usoo jeediyay wadamnada Reer galbeedka Muslimiinta difaacay (Daawo Video + Sawiro)

Sunday, April 21, 20130 comments



Warbaahino laga leeyahay dalka Sa`udi Arabia ayaa ka soo xigtay ilo wareedyo ka tirsan shirkadda dhanka Isgaarsiinta Taleefanada ee Mobily ee dalkaas ayaa sheegaya in xiddiga Real Madrid Ronaldo uu go`aansaday in hadiyaddii ay dhawaan gudoonsiiyeen ee ah Kibaatka qur`aanka kariimka ee turjuman in uu meel gaar ah ka dhiganayo gurigiisa ku yaal dalka Portugal .

Isla ilo wareedkaan oo uu uu ku jiro bogga shabakadda ciyaaraha ee Sacuudiga Ronaldo oo lala yeeshay wareysi gaar ah ayaa xaqiijiyay in tix gilin uu u hayo muslimiinta isla markaana uu aamisan yahay in muuqaalka ay warbaahinada reer galbeedka ka soo gudbinayaan muslimiinta in uu yahay mid aan wax ka jirin .

Ronaldo ayaa dhawaanahaan u muuqda in uu u soo dhawaanayo muslimiinta gaar ahaan wararkii laga soo xigtay saaxibkiisa Real Madrid Masut Ozil kaasi oo sheegay in Ronaldo uu aad u jecel yahay dhageysiga qur`aanka kariimka gaar ahaan in uu si weyn uga helo suuratul faatixa halka sidoo kale uu Ozil sheegay in Ronaldo uu xasuusiyo magaca Alle marka ay wada cunteeynayaan ee uu iloobo in uu yiraahdo Bismillaahi.

Waxa uu Ronaldo qiray in xariir wanaagsan uu la leeyahay muslimiin badan oo ay ku jiraan Ozil, Banzema iyo Nuri Shahin.

Ronaldo oo aamisan Christian-ka ayaan lagu tirin ciyaartooyda kale ee Christian-ka ah ee muujiya dareemhaa waxaay aaminsan yihiin marka ay soo galaayan garoonka ama ay gool dhaliyaan , sidoo kalana kamaba hadlo arimahaas .

Ronaldo ayaa dhawaan dhaleeceyn xooggan kala kulmay taageerayaashiisa carbeed ka dib markii uu boggiisa Twitter-ka ku qoray Sabaaxal Kheyr Ayaan Reer Isra`il idin leeyahay isaga oo ku soo qoray farta carabiga balse si deg deg ayuu u soo ceshtay shacbiyadiisa ka dib markii uu diiday in funaanadiisa weydaarsado ciyaartooyda Isra`il , kulankii dhawaan labaad qaran ay wada yeesheen,waxa uuna orin kala kulmay tagaerayasha Yuhuudda oo ku sacab tumayay magaca laacibka xifaaltanka uu kala dhaxeeyo ee Messi.

Waxaa xusid mudan in Ronaldo uu dalalka carabta iyo kuwo islaamka ah kaga sii shacbiyad badnaanayo dhigiisa Messi ka dib markii uu tabarucaad ugu deeqay Falastiiniyiinta daanta Gazza iyo muslimiinta dalalka Kenya iyo Afghanistaan, halka Messi uu taburacaad ka geysto Latin America










_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog