Muuqaalka Heesta Dalxiis ee Fanaaniinta Dalmar Yare iyo Raxmo Rose oo Soo Baxday +( Video)

Sunday, April 21, 20130 comments



Dalmar yare iyo Raxmo rose ayaa soo saaray muuqaalka heestooda cusub ee talantaaliga ay u qaadayaan oo mudooyinkaanba la sugaayey.

Fanaanka Dalmar yare oo bogiisa facebookga ku soo bandhigay qoraal kooban ayaa sheegay in waqti dheer iyo dabaal badan ka dib ay suurtogashay in la soo saaro heesta Dalxiis oo maalmihii ugu dembeeyey la saadaalinaayey iney hawada ku soo jirto.

Wuxuu fanaaanka uga mahadceliyey dhamaan shaqsiyaadkii ka qeybqaatay soo saarista heestan gaar ahaan Ahmed Ugaaska oo ah soo saaraha heesta ahna milkiilaha Somali Vip Studio ,iyadoo uu heestuna sameeyey abwaan Oorshe.

Fanaanada codka dahabiga leh ee Raxmo rose oo si talantaali ah heestan ula qaadeysa Dalmar ayaa muuqaalka heestan waxaa wejigeeda laga dareemayaa xamaasad iyadoo soo bandhigtay ciyaar wanaag aad u qurxoon.

Fanaaniin badan ayaa ku tartamaya mudooyinka masraxa fanka gaar ahaa muuqaalo heeso kala duwan oo u badan jaceyl,haseyeeshee fanaan walbo wuxuu leeyahay sifooyin u gaar ah oo ay taageerayaashiisu ku qiimeeyaan hadey ahaan laheyd cod, hab  jiliin ama style.









_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog