Wadanka Turkiga ayaa lagu soo waramayaa inay ka dhacday arin la yaab leh oo
ah in haweeneey u dhalatay dalkaasi qudha ka jartay nin kufsaday.
Haweeneeydaan
oo lagu magacaabo Nevin Yildirim ayaa kusoo wareegtay deegaanka ay ku nooshahay
iyadoo gacanteeda kuwada madaxa nin kufsaday waxayna ku dhawaaqaysay erayo ay
ka mid ahaayeen “Sharafta haku ciyaarin”. Nevin ayaa ah hooyo haysata 2 caruur
ah.
Nevin
ayaa dadka ku degan deegaanka ay ku nooshahay tustay madaxa ninka ay dhishay
iyadoo dhahaysa: “Waakan ninka sharateeyda ku ciyaaray”. Ninkaan ayaa xoog ku
isticmaalayay haweeneeydaan mudo 8 bilood iyadoo oogu dambeyntii go’aansatay
inay qudha ka jarto.
Nevin
ayaa haatan leh uurka ninkaan ay dishay. Nevin ayaa sheegtay inuu ninkaan
bastoolad ku qaban jiray caruurteeda isagoo iyada ku oranaya hadaad hadasho oo
aad arinkaan cid u sheegto caruurtaada yaan dilayaa.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com