Wiilkan wuxuu in mudo ah ku noolyahay Caanaha Eeyaha (DHACDO MURUG IYO YAAB WADATA!!)

Wednesday, April 17, 20130 comments


Wiil 6 Jir ah ayaa u bareeray inuu Afka u dhigto Caanaha Eeyaha si uu u cabo, si uu uga hortago Gaajo iyo nolol xumo soo food saartay.
  
Arrinta ugu yaabka bandanna waxay tahay iyadoo Eeyuhu ay u ogolaanayaan Wiilka marka uu Afkiisa gashto Candhadooda si uu Caano uga helo.

Wuxuu Wiilkan oo India u dhashay sheegay in markii Aabihiis uu geeriyooday 4 Sano ka hor, ay Qoyskoodu noqdeen Dad Ceyr ba’an ay heysato, ka dibna Walaalkood ka wayn uu Shaqo ka helay Hodheel si uu halkaas ugasoo helo wax uu Reerka ku quudiyo.

Laakin Lacagta uu Walaalka wayn soo helayay ayaa ahayd mid aad uga hooseysa inta lagu dabooli karo Baahida Reerka sida Wiilkan yarka ah uu Warbaahinta u sheegay.

Markaas ka dib ayuu bilaabay Wiilku inuu ugaarsado Eeyaha, dabadeedna uu Afka la galo Candhadooda oo Caano uga cabo.

Tuulada uu ku noolyahay iyo Banaankeedaba wuxuu ka baadi goobi jiray Eeyo Wadooyinka socda oo uu fursad ku helo, wuxuuna xusay inaanay Eeyuhu wax qaniinyo ama dhibaato kale ah kula kicin marka uu Caanahooda cabayo.

Eeyaha ayaa markii dambe waxay noqdeen kuwo u ceyaya ama u qaylinaya Wiilka yarka ah si uu Guriga ugasoo baxo oo uu ula ciyaaro Caanahoodana u cabo.

Wiilkan ayaa sheegay inuu iminka la noolyahay Amiya Devi oo Hooyadiis ah Da’deeduna ay tahay 37 Jir iyo Ayeeyadiis oo Shanichari Devi la yiraa. Wuxuu kaluu xusay inuu leeyahay Laba Walaal, ayna dhamaantood ku noolyihiin Guri Dhoobo ka samaysan oo Galbeedka Hindiya ku yaala.

Maalin kasta wuxuu Wiilku sheegay inuu Caanaha Eeyaha cabo Saddex jeer, wuxuuna ku sheegay mid aad u macaan badan.

“Dad badan oo Tuulada dagan ma jecla inay la saaxibaan Eeyaha, anigase aad ayaan ugu faraxsanahay, inkastoo aanay Eeyuhu Gurigeyga ka ag dhawayn, hadana waan baadi goobaa illaa Tuulada banaankeeda. Iyaga qudhooduna aad bay aragtideyda ugu farxaan. Wayna ii ogolaadaan inaan Caanahooda cabo” ayuu sii yidhi isagoo Xaaladiisa sharaxaya.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog