Magaciisa waa Axmed Cumar oo ku nool dalka Maraykanka, todobaadkani waxa uu
ka qeybgalayaa tartanka jir dhiska magaalo ku taala Maraykanka oo lagu
magacaabo Vermont.
Waxa
uu doonaya in uu sare u qaado magaca Soomaalida, isagoo doonaya in uu tirtiro
aragtida Soomaalida laga qabo ee ah in ay yihiin dad dhuudhuuban, oo nafaqo
daro dilootey.
Waxa
kale oo uu doonayaa in ragga Soomaaliyeed uu u hor koco in ay jirkooda dhisaan
oo ay noqdaan dad jirkooda caafimaad qaba.
Shantiisa
salaadood ayuu tukadaa, bulshadiisa Soomaaliyeed aad ayuu u jecelyahay, wuxuuna
doonayaa in uu ka caawiyo wax kasta oo awoodiisa, wuxuu isku magacaabay “Muruqa
Soomaalida”. Wuxuu cunaa cunto dheelitiran oo nafaqo leh.
Hoos
Ka daawo Sawirada
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com






