Waxaa xalay gaaray degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose Coll Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) iyo Ciidamo uu Wato, iyadoona ay halkaasi kusoo dhaweeyeen Saraakiil ka tirsan Ciidamadda dowladda ee ku sugan aaga Kismaayo.
Wararka ayaa sheegaya in Barre Hiiraale iyo ciidankiisa ay xalay doomo kaga dageen xeebta Calanley, iyagoo ka yimid magaalada Muqdisho.
Wuxuu degay guri ku yaalla xaafadda Guul-wade, ciidankii uu watayna waxay ku biireen ciidamo ka yimid gobolka Gedo oo horey ugu sugnaa magaalada Kismaayo, kuwaas oo saldhig ku leh warshaddii hore ee hilibka.
Sarkaalka Hogaamiya Ciidamadda dowladda ee ku sugan Magaalada Kismaayo Coll Maxamed Sheekh Axmed (Sanka) ayaa u sheegay warbahinta inuu Kismaayo soo gaaray Coll Barre isla markaana uu socdaalkiisu yahay mid uu ku soo booqanayay Xaafadiisa maadama uu yahay nin kasoo jeeda degmada Kismaayo in mudo ahna ka maqnaa.
Coll Sanka ayaa sheegay markii uu soo gaaray Kismaayo Coll Barre Aadan Shire inay dhaq dhaqaaqyo bilaabeen Maamulka KMG ah ee Magaalada Kismaayo, isagoona xusay Ciidamadda Kenya inay ka dalbadeen in Magaalada laga saaaro barre walow ay Ciidamadda Kenya dalabkaasi ku gacan sayreen isla markaana ay Maamulka u sheegeen marka hore inay la hadlaan Coll Bare kadibna ay ka waraystaan Ujeedka Safarkiisa.
Guud ahaan Magaalada Kismaayo iyo dalka Soomaaliya ayaa maanta siwayn looga hadal hayaa Socdaalka lama filaanka ah ee Coll Barre Aadan Shire uu ku gaaray degmada Kismaayo oo mudo uu ka ariminayay ka hor intii aysan kala wareegeen kooxdii Al-shabaab.
Coll Barre ayaa ku sugnaa Magaalada Muqdisho mudo dhowr bilood ah, wuxuuna xiriir wanaagsan la lahaa intii uu ku sugnaa Muqdisho Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya.
Safarka Barre Hiiraale ee Magaalada Kismaayo ayaa dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed ka abuuray Magaalada Kismaayo, waxaana masuuliyiinta gacanta ku haya Shirka Kismaayo ee lagu dhisayo Maamulka Jubbaland ay Warbaahintu sheegeen wax saamayn ah inuusan ku yeelan doonin joogitaanka Barre arimaha Maamul u samaynta Kismaayo.
Lama saadaalin karo halka ay sal dhigan doonto Siyaasada Jubbooyinka oo bilihii ugu danbeeyay dar dar horleh lasoo baxday.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
