Sanado
badan oo saadaalin aan waday kadib waxaan isweydiiyaa maxaad u jeceshahay qof
aanan ku jecleyn? maxaan uga fekerayaa qof aanan xitaa dareensaneyn
jiritaankeyga?
Mowjadaha
jaceylku waxaan ku baranaa samir iyo sugid labada,naftaada waxaad ka dhaadhicisaa
in beri wax isbedeli doonaan,qalbigaan dikaamaya in uu heli doono wehelkiisa
iyo rajooyin badan oo laga yaabo in aysan muuqan ififaalo ay ku rumoobi
karto,Naf wax jecel indho iyo dhego malahan,ka waran marka naftaadu kugu
amreyso inaad ku raadiso qofka ay ku qanacsan tahay la joogeeda? Ka waran marka
xakameynta naftaada ay gacantaada ka baxdo? Indhahaagu aanan arkeyn cid kale
shaqsigaas mooye.
Dareenka
ugu xanuunka badan waa marka qofka aad jeceshahay aanu kula wadin ee uu ku sii
jeedo shaqsi kale,murugo iyo tiiraanyaduna wehelkaagu noqdaan, kala fogaanshuhu
wax macno ah malahan hadey jirto kalsooni iyo aaminsanan waxaa kaa xigo waa
laba talaabo oo aad horey usoo qaado iyo waayaha oo ku garabgalo mooye.
Mararka
qaarkood waa inaan u dulqaadanaa xanuunada qalbiga si aan u noqono kuwa ka kora
dhibaatadiisa, waana inaan dhedheminaa qasaaraha si aan u ogaano qiimaha uu
leeyahay waxa naga maqan.
Si
fudud ayaan u dareemay in ay nafteyda ku tebeyso,laakin wey igu adkaatay inaan
si fudud uga gudbo mahadhooyinka jaceyl ee aad igu reebtay, dad badan waxey i
yiraahdeen kuuma qalmo ee iska ilow,waqtiguu kaa luminaayaa ee jaceylka yuusan
ku ragaadinin, haseyeeshee hadaladaas oo dhan waa kuwa iska sahlan. yaa ogaan
kara waxa ku jira qof kale qalbigiis.
Waan
ku seexdaa xusuustaada iyo maalmihii macaana,waxaana maskaxdu ku cadaadiyaa
inaaney xusuustaada iga faaqurin, waana ku soo toosaa subax weliba aniga rajo
cusub qabo in maalin uun ogaan doonto inaan ku sugaayo.
Waan
ku daalay sidaan isaga dhigaayey qof faraxsan oo ad adag marka hortaada
taaganahay laakin markaan kala dhaqaaqno waxaan eedeyaa nafteeyda oo aan ku
iraahdaa maxad ugu soo bandhigi weysay baahidaada hadana kuma dhiirado taas.
W/Q
Fardowsa Maxamed Cabdulle.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
