Waa adag tahay in la helo guri Soomaaliyeed oo ay taaban
dhibaatada furiinka. Haduu qofka si toos ah aanu taaban, waxay taabatay
qaraabadiisa, jiiraanka ama saaxiibkii. Waxaa kaloo ayaan daro ah in badanaaba
kuwii is furay ay ka shalaayeen furiinkoodi oo ay cadaynayaan inay ku degdegeen
oo aanay waqti siinin. Waxaad arkaysaa in qofkii furiinka ku degdegay oo
raadinaya Caalim qiil u helo sidii u soo ceshodo xaaskiisa. Dhibaatada ugu weyn
oo jiraa waxay tahay, dhalinyarada soomaaliyeed oo badanaa aqal gala iyagoo
cilimi u lahayn xilka, xuquuqda iyo waajabaadka saaran. Runtii, waxaan aad ugu
baahanahay in dhalinyarada intayan aqal galin loo sameeyo barnaamijyo lagu
barayo xilka iyo waajibaadka saaran si loo horumariyo xiriirka labada qof oo
aqal galaya loona helo “Al Mawaddah”.
Furiinka arin sahlan ma aha, taasna waxaa cadayn u ah,
Suurada (Al-Dhalaaq) ee qur’aankeena kariimka ah waa suurada ugu badan kalimada
(Alle Ka Baqa- Ittaqullaah). Ibliisna (cadowgeena ugu weynaa) wuu ogaaday sida
kala gaynta labada is qaba ay mujtamaca u burburinayso. Taasna nabigeena
suubanaa ayaa nooga digay Xadiiska Jabir (Imam Muslim, no:5032) wuxuu sheegayaa
in Ibliis carshigiisa dhigay bada dhexdiisa uuna ciidankiisa meesha ka dira
siday u lumiyaan dadka. Midka ugu darajada sareeyaana oo Ibliis aad uso dhowaysto
waa kan ku guulaysta inuu nin iyo xaaskiisa kala geeyo.
Hadaba tan micnaheeda ma aha in furiinkoo dhan uu xun
yahay ama aysan banaanayn. Dabcan waa jiraa furiin lagu najaxay (uu dhibka aad
u badnaa) oo labada kala tagtay iyo caruurtooda ku nasteen. Waxaa la diidayaa
furiinka lagu degdegaayo ayadoo xal la heli karo, badanaana furiinka
mujtamaceena kuwaasaa ugu badan. Hadaba hadii soo koobno furiinka mujtamaca
waxay u saamaysaa sida soo socota:
Reerihii labada qofood ay ka dhasheen iyo asxaabtooda ayaa
colooba gaar ahaan haduu furiinka uu ahaa mid aargoosi ah oo aan lagu dhameyn
si nabad ku jirta. Tanina waxay usii kordhisaa xanuunka labada qofood is furay.
Caruurta qaarkii waxaa dhacda in isbedelka weyn
reerkooda ku dhacay, ciilkii iyo calool xumada dartii in ay aadaabtooda is
bedesho oo ay kacaan dambiyo kala duwan taasoo suura galinaysa in xabsiga loo
taxaabo. Waxbarashada caruurta oo hoos u dhaca. Caruur badan oo rikoorkooda
waxbarashada ahaa mid aad u sareeyaa furiinka ka hor ayaa markiiba hoos u dhaca
murugada dartiisa. Waxaa kaloo jirta caruurta arkay furitaanka waalidiintooda
waxay saameyn ku yeelanee mustaqbalka guurkooda dambe. Cilmi baaris lugu
sameeyay caruur fara badan oo waalidiintooda kala tageen ayaan waxay tustay in
dhibaatooyin ay kala kulmeen guurkooda uuna furiinkooda badnaa.
Labada qofood ee kala tagay, furiinka ka bacdi saameyn
weyn ayay ku yeelataa noloshooda cusub. Fikirkooda iyo murugadooda wuu bataa oo
waqti ayay ku qaadataa intay noloshooda caadi ku soo noqonayso. Anagana waa nagu
waajib inaanu caawino oo aanu daryeelno inta ay ka soo kabsadaan.
Sida aan u yarayn lahayn furiinka micnadarada laysku
furaayo ayadoo xal la heli karo waa mas’uul anogoo dhan na wada saaran. Qof
walbo ha ahaado Lamaanayaasha, Waalidiinta, Saxiibada, Jiiraanka,ugaasyada,
Jaaliyadaha dibada ee soomaaliyeed, dawlada iyo hay’adaha warfaafinta ay
soomaalidu leedahay sida TVga, wargeysyada iyo Websiteyada IWM, haday cid kasta
doorkeeda ka ciyaarto ka hortaga dhibaatadani, waxaa hubaal ah in aan guul ka
gaari doono. Ilaahayna qowmku ma bedelo ilaa ay ayaga iska bedelaan,
Ugu dambayntii, waxaan hoos ku soo koobaynaa talooyin
lagu xalin karo mashaakilaadka ina haysta. (Fadlan akhristayaasha, idinkana
talooyinkiina hoos ku qora):
Lamaanayaasha iyo Reerkooda
Aqri oo faham xilka iyo waajibaadka ku saaran. Inta
aadan guursan ka hor waxaa haboon inaad ogaato mas’uuliyada ku saaran, markaad
guursatidna wali aqriska iyo barashada waa furan tahay. Warbixin badan oo ku
saabsan arimaha guurka ayaa jira sida muxaadarooyinka (YouTube), buugaag iyo
Websiteyada oo aad ka helaysid maqaalo soomaaliyeed.
Ogow in mashaakilaadka guurka uu qof walbo taabto oo aan
kaligaa ahayn. Xitaa nabigeena suubanaa ayay taabatay markii xaaskiisa uu ugu
jeclaa Caa’isha lugu been abuurtay ilaa ilaahay qur’aankiisa kasoo dajiyo uu ku
bari yeelay caa’isha. Waxaa muhim ah kaliya in aad si wanaagsan u wajahdo
dhibka jira.
Waalidiinta: Fadlan markaad caruurtiina dhex joogtaan
tusa oo ha arkaan ixtiraamka iyo kalgacaylka adiga iyo xaaskaga idinka dhexeeyo.
Tani waa waxbarashada ugu fiican oo saamayn fiican ku yeelanayso caruurtaada
markay weynaadaan oo ay guursadaan.
4. Labada qofood oo kala tagay: Runtii ma sahlana kasoo
kabsashada amarka dhacay, qalbiga kheyr u sheega. Iska cafi ninkaada ama
naagtaada hore iyo waxaa ka sii muhiimsan inaad qalbiga raacraacin oo aad adiga
laftaada iyo dad kaleba eedin. Markaa xanaaqsan tahayna, ninkaaga ama naagtaada
hore haku ceyin oo ha ku lacnadin caruurta hortooda oo saameyn xun ayay ku
yeelataa caruurta.
Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Dibada:
1. Qabanqaabiya barnaamijyo lugu barayo dhalinyarada
guursanaysa rag iyo dumarba xilka iyo waajibaadka saaran qof walba iyo siday u
wada hadli lahaayeen haduu dhibaato soo foodsaaro. Si ayan ugu baahanba inuu
dad kale soo dhex galo.
2. Sameeya koox khibrad u leh habka wax loo maslaxeeyo
oo ka hawl gala maslaxaynta labada qof ee khilaaf dhexdooda jira. Iyo in la
caawiyo labada kala tagay oo calafkoodi dhamaaday inta ay noloshooda caadi ugu
soo noqonayso.
Dawladda Soomaaliyeed
Ku dara Sanadka ugu dambeeya dugsiga sare Maadada diinta
qeyb lugu barayo aadaabta guurka iyo waajibaadkiisa.
Ka dhiga sharci ahaan mid khasab ku ah in labada qof is
guursanayo ay ka qayb galaan barnaamijyada lugu barayo akhlaaqiyaadka guurka.
Dawlada Malaysia ayaa arintani dhaqan gelisay, kuna guuleysatay in ay yareyso
furiinka badnaa ka jiray wadankooda.
Hay’adaha Warfaafinta Soomalidu Leedahay (TVga,
Raadiyaha, Wargeyska IWM)
1. Mar walba ku dara barnaamijyo iyo maqaalo ka hadlaya
guurka si shacabka aqoontooda loo kordhiyo. Ogowna barnaamijyadan oo kale baahi
ayay shacabka u qabaan oo waxay badinaysaa akhristayaasha, dhagaystayaasha iyo
daawadayaashiina. Ilaahayna ajar wuu idinka siinayaa.
2. Waxa haboon, In barnaamiyada iyo maqaalada uu ahaadaa
mid miisaaman oo dhexdhexaad (Wasadhiya) raacayana akhlaaqda laga soo guuriyay
Nabigeena suubanaa. Qof lagu daysadaa oo asaga ka fiican ma jiro AWC.
Walaalayaal, hadii aan qoray wax khalad ah la socda
waxay ka timid nafsadayda daciifka ah iyo shaydaanka. Wixii sax ahna ilaahay
xagii ayay ka timid asagaana mahad is ka leh.
Bazi Bussuri Sheekh
Source By Khadija Home
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com