Nin u dhashay dalka sacuudi arabia laguna magacao khaalid abdulah ayaa la shaciiyay inu kamid noqday dadka ugu nasiibka xun taariiqda bini,aadmka marka dib loo raaco inkasto nasiibkisa xun uu yahay mid aduun kadib markii ninkan maalqabeenka ahaa habeenkii ugu horeeyay ee arooskisa uu qasaaray lacag dhan 2 million oo dollar ah suqa beec mushatarka iyado markii ay arintasi soo gaartay ay maqashahay xaaskiisa cusbeyd habeenkii aqal galka ay ka dalbatay furiin deg deg ah.
Arintan la yaabka badan ayaa waxa qoray wargeyska Al-yowm ee kaso baxa dalkasi sacuudiga waxana la sheegay in ninkaasi oo ahaa dhalanyaro uu isku diyarinayay habeenka aqal galka isago oo si aan caadi aheyn u labisan islamarkaane la guda galay xafladii dabaal daga farxadeed ayaa mar qur ah telefankisa waxa kuso dhacay fariin ah loogu sheegaya in uu suuqa beec mushtarka ku qasaaray 2 Million Oo Dollar taasi oo islamarkiiba wajigiisa is badal xoogan oo ku yimid iyado indhaha ay ilimo so istageen waxaana uu ka dhacay istaaga taasi oo keentay in isbital loola cararo.
Saacada kadib ayaa markii uu so naaxay ayaa waxa ugu sii daray xaaskiisa oo markii aroosad u aheyd kuna dhahday ila wa ila i fur waxana mar kale uu dib u galay Koomo naxdinta uu ka qaaday furiinka gabadha.
Ugu danbeyntii ninkan ayaa lagu tilmaamay inu kamid noqday raga ugu nasiibka xun tariqda bini,aadamka madaama uu is lahaa habeenka aqal galka si fiican u raaxeeyso balse uu qasaray 2 million iyo xaaskiisa uu ugu sii dartay in uu furo.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com