Gabadhu Hadii ay Qodobadan kugu aragto Ogoow Iney Ku Qiyaanto ayaad ka dalbatay.

Saturday, April 20, 20130 comments

Lamaanayaasha soomaaliyeed waxaad moodaa in ayagoo si dhab ah isku jeceyl hadana kalsoonida ku yartahay kuna badan tahay waxa loo yaqaano maseyrka.

Waxaa jiro cuduro faro badan oo mucaashiqiinta soomaaliyeed ee jeceyl wadaaga ah faro kulul ku haayoo sida Khayaano, Maseyr, Aamin Daro, Iyo waxyaabo la mid ah.

Maanta shabakada newbanaadir.com waxeey kuusoo gudbineysaa dhowr qodob adiga hadii lagaa helo in marwadaadu lagama maarmaan u noqoneyso ineey ku qayaanto.
  
Hadaba qodobadaan hoose marwada qalbigeeda daciifka yahay markii aay ka aragto ninkeeda ayey ku dhaqantaa mana ahan marwo weliba iney sidaan u dhaqanto, sidaa awgeed adigu isu day inaad ka fogaato sababaha keeni karo ineey ku kacdo qayaano.

1: Gabadhu hadii aay ku cidlooto guriga oo aay dareento caajis iyo kelinimo adigana inta ad ka maqantahay aadan ku mashquulin teleefan iyo message diris taasi waxey keenta in gabadhu aay biloowdo ineey isku mashquuliso goobaha wada sheekeysiga ee internet-ka halkaasina aay ka yeelato asxaab aay isku mashquulaan taasina waxey keeneysaa in aaysan adiga kuu sheegi karin oo aay kaa qariso.

2: Marwadu hadii aadan ka qancin karin dhan weliba kaana dareento jaceylkaaga inuu yahay daneysi ama mid aan quluubta jirin ee ku eg af gobaadsi, ayaduna waxeey kaa raadsan doontaa qof aay dhan weliba kaga qanacdo taasoo kugu kalifi doonto ineey ku qayaanto oo ugu danbeyn jaceylkii daciifka ahaaa ee aad jiideysay aay kugu tiraah marwo kale u raadso sidaa iyo sidaa ima anfacdee.

3: Qolka jiifka oo aad ka dhigto mid caajis ah hadii aadan gabadhu dhan weliba ka qancin, waxaa hubanti ah ugu danbeyn in aay kugula kici doonto qayaano.

Ogoow intaan soo sheegnay marwada iimaanka leh kuma kacdo ee gabadha qalbigeeda daciifka yahay ayaa ku kacdo qayaanada iyo beentaba, sidaa awgeed ku dadaal si aad u abuurto kalsooni jaceyl si qayaanadaba aay daaqada ugu baxdo.







_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog