Baaritaamo
cilmiyeed ayaa sheegaya in ragga yihiin kuwo sida weyn u nugul dhibaatada
furiinka oo aysan aheyn haweenka sida caanka ah , waxaan taasi u sabab ah iyaga
oo weynaya hogaankoodii ahaa xaasle iyo aabo.
Furiinka
ayaa lagu tirayaa xalka ugu dambeeya ee lamaanayaasha haddii noloshooda noqoto
mid mustaxiil ah , hadaba yaa u daran furiinkaas ninka ama naagta .
Cilmi
baaris cusub ayaa sheegeysa in ragga yihiin kuwo u nugul dhibaatada iyo
qasaraaha furiinka iyadoo baaritaan lagu sameeyay 10-kun oo rag oo xaasaskooda
furay lagu arkay in ay sara u kaceen xanuunada ku dhacay ee nafsiyanka iyo
jirka ahba Darsaadaan
ay sameeyeen khubaro ka tirsan
jaamacadda Caynu Shams ee dalka Masar ayaa cadeyneysaa in ragga horay guurka u
soo maray ee ku soo fashilmay in ay u nugul yihiin xanuunada qal qalka
nafisyinka ah .
Waxa
uu ninka garoobka ah inta badan ka sheegtaa in uusan awoodin in uu la qabsado
bulshada ka dib guurkaas soo fashilmay , sidoo kale waxaa ku adag in si fudud
uu nolol kale ku sameeyo .
Sidoo
kale taqaatiirta caafimaadka ayaa sheegaya in arinta kale ee ragga dhibeysa ee
ciriirineysa ay tahay iyaga oo waaya doorka aabanimo maadaama furiinka ka dib
ay hooyada ay ciyaareyso doorka hooyanimo iyo kan aabanimo.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com