Fanaanka
caanka ah ee reer Holland Mukhtaar Oday oo sanadkaan heesa isdaba joog ah soo
saaray ayaa soo qaaday hees ka hadleyso xaalada nololeed ee Soomaalida Holland
ku nool, lacagaha deymaha ah ee la siiyo qaxootiga iyo dhibaatooyinka daba
yaala hadii uusan qofku si toos ah u bixin.
Heestaan
oo la yiraahdo Duurwader ayaa si toos ah u taabaneyso marka qofku deynta bixin
waayo iyo qaabka guryaha loogu galo markey lacagaha deymaha bixin waayaan iyo
dhibaatooyinka dhaqaale dad badan ku heysta dibedaha iyadoo dad badan ka
aaminsan yihiin in nolol fiican taalo .
Soomaali
tiro badan oo horey u deganaa wadanka Holland ayaa u guuro wadanka Britian
waxaana lagu xantaa dadka Soomaalida ah iney yihiin kuwa si toos iyo si dad
badan uu usaameeyey dhaqanka reer guuraanimada.
Waxaa
sidoo kale fanaanka heestaan u dheer heesta SOWRAC, UMUL iyo heeso farabadan oo
jaceyl ah.
Hoos Ka Daawo Heestaasi
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com