Mid ka mid ah Wiilashii qarxiyay magaalada Boston oo hadlay & Beenta FBI-da Mareeykanka oo aan la ..(Daawo Muuqaal+Warbixin)

Monday, April 29, 20130 comments


Hay´ada Dambi baarista FBI-da dalka Mareeykanka waa mid ka mid ah hay´adaha wax baaro ee mararka qaar marka ay Qalad galaan ka leexdo xaqiiqada-runta ah kuwaas oo qof kasta been cad uga dhiga run.

FBI-da Mareeykanka horay waxa ay u sheegeen in uusan hadli karin oo uu dhuunta iyo carabka iska toogtay Wiilka lagu magacaabo Dzhokhar Tsarnaev oo ka mid ahaa ragii ka dambeeyay ama loo soo qabtay weeraradii lagu qaaday magaalada Boston ee cariga Mareeykanka .

Dzhokhar Tsarnaev oo 19 jir ah FBI-da Mareeykanka waxa ay sheegeen in su´aalihii la weeydiiyay uu kaga jawaabay Qoraal ahaan kaas oo aan si caadi ah u hadli karin maadaama weli uu dhaawac yahay . Hay´ada Dambi baarista FBI-da dalka Mareeykanka ayaa iminka waxa ay la soo shir tagtay arin cusub kuwaas oo sheegay in Dzhokhar Tsarnaev iyo Walaakiis Tamerlan Tsarnaev oo geeriyooday ay doonayeen in ay qarxiyaan magaalada New York gaar ahaan halka Dalxiisayaasha ay ku badan yihiin ee Times Square.

" Dzhokhar Tsarnaev wuxuu noo sheegay isaga iyo Walaalkiis inay 6 Bambo oo kale sameeysteen si ay u soo qarxiyaan magaalada New York balse gaarigii ay wateen ayaa ka Shidaal beelay ayuu yiri Duqa magaalada New York Mr. Michael Bloomberg oo soo xiganayay FBI-da Mareeykanka "







_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog