Qiso Xanuun Badan wiil ka ooyiyey Hooyadiis si ay Xaaskiisa u Faraxdo.

Friday, April 19, 20130 comments



Maalin Mahimaha Kadim Ah Ayaa Waxa Isa So Raacay Nin Iyo Xaaskiisa Waxana La Socotay Hoyadiis Oo Xambaarsan Wiil Ay Dhaleen Labada Is Qaba Iyagoona Galay Dukaan Lagu Iibiya Dahab Iyo Xariir.

Markii Ay Gudaha U Galeen Dukaanka Ayaa Haweeneyda Xaaska Aheyd Waxay So Xulatay Dahab Iyo Xariir Kadibne Waxay U Dhiibtay Ninkeedi Kuna Tiri Ii Gad Dahabkan Iyo Xariirtan Waxana Isla Markiiba Uu Weeydiyay Ninka Dukaanka Jogay Ayu Ku Yidhi Imisa Weyan Dahabkan Dukaanlihii Ayaa Ku Jawabay Wa 5 Kun Iyo 100 Dollar Ayaa La Idiinka Rabaa.

Ninkii Xaaska Qabay Ayaa Dukaanlihii Ku Yiri Wan Ogahay 5ta Kun Oo Allaabta Ah Ay Xaaskeuga Qaadatay Wa Maxay 100 Dollar Ee Dheeraadka Ah Ee Aad Shegeeysid.

Dukaanlihii Ayaa Ku Jawabay 100 Dollar Ee Dheeraadka Ah Waxa Allaab Ku Qadatay Duqdaas Wayeelka Ah Balse Inay Hooyada Tahay Ayaan Filaya Iyada Ayaana Faraanti Ku Qaadatay.

Markii Uu Maqlay Hadalkii Dukaanlaha Ayaa Wiilki Inta Uu Cararay U Tagay Hooyadiis Kana So Qaaday Farantigii Ay Qaadatay Isagona Indhaha Ugu Tuuray Dukaanlihii Kuna Yiri,Wayeelada Faraanti Ma Xidhaan Waqtigooda Wu Gaboobay Ee Mar Danbe Sida Ha Sameeynin.

Hooyadii Dhashay Wiilka Ayaa Mar Qur Ah Maqashay Hadalkiisa Balse Oohin La Dhacday Iyadoona U Carartay Banaanka Dukaanka Lakin Ninkii Dukaanlaha Ahaa Ayaa Yaab Kaso Hadhay Oo Dhabanada Qabsaday Waxaana Uu Kula Taliyay Wiilka Hoyadiisa Sidaas Ula Hadlay In Mar Danbe Hooyadiis Uu Sidaasi Ula Dhaqmin.

Hadaba Naagtii Uu Qabay Wiilka Ayaa Ku Hadashay Ninkeygiyow Maxad Sidaasi U Sameeysay Waxa Laga Yabaa In Wixii Maanta Ka Danbeeya Hoyada Aysan Cunug No Haynin ,Waxad Moda Hooyada Inay Tahay Shaqaale.

Ha Yeshee Wiilkii Ayaa Inta Uu Banaanka U Baxay Waxa Uu Faraantu U Geeyay Hooyadiis Oo Banaanka Oohin La Fadhisa Indhahiina Ay Gaduuteen Sida Ay U Ooyneysa Waxana Uu Ku Yiri Hooyo Faraantigaaga Qaado Hadii Uu Wax Ku Taraayo Faraantiga.

Ugu Danbeeyntii Hoyadii Oo Qalbi Jabsan Ayaa Ku Jaqwaabtay Maya Walaahi Bilaahi Inaan Qaadan Doonin Balse Waxan Rabay Oo Kali Inaan Farxada Maalinta Ciida Idiin La Qeeybsado Lakn Farxadeeydii Ayaad Iga Bur Burisay Qalbigane Wad Iga Jabisay Waxad Hilmaamtay Sagaalkii Bilood Ee Aan Calosha Kugu So Waday Iyo Dhibkii Aan Koriinkaga Kasoo Maray.

Fadlan Fikirkaaga Wa Muhiim Ka Hadal Sida Aad U Aragta Wiilkan Hoyadiis Sida Uu Ula Dhaqmay.











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog