Nin
u dhashay deegaan ahaan Degmada Janaale balse ka shaqeenayay Farmashiye ku
yaala magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa maalintii afaraad laga
baadi goobayaa magaalada Muqdisho.
Ninkaan
oo magaciisa lagu sheegay Cabdi Guure wuxuu si qaldan u siiyay Kaniiniga Foosha
ee aalaaba la siiyo dumarka dhalaya ee xanuunsanaya nin kale oo ilaa iminka ku
xanuunsanaya Isbitaalka magaalada Marka.
Ninka
magaalada Marka ka soo fakaday ee ku dhumanaya magaalada Muqdisho ayaa waxaa la
xaqiijiyay inuu ka shaqeeyn jiray Farmashiye nin kale oo qaraabadiisa ah uu
leeyahay wuxuuna Halis galiyay dhibanaha hada jiifa Isbitaalka magaalada Marka
ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Ninka
Kaniiniga qaladka ah la siiyay ayaa waxa la sheegay inuu doonayay Kaniini
Malaariyo balse ninka baxsaday ayaa u soo qabtay ama ka iibiyay Kaniiniga la
siyoo Dumarka dhalaya ama Foolanaya.
Dhibanaha
hada jiifa Isbitaalka magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa
la xaqiijiyay Kaniinigii qaladka ahaa ee la siiyay inuu wax u geeystay qaar ka
mid ah Xiidmaha Calooshiisa (Kaniiniga Foosha).
Tan
iyo markii ay dagaalada Sokeeye ka dhaceen dalka Somaaliya waxa sii badanayay
dhibaatooyinka ay bulshada u geestaan dadka aanan xirfada caafimaad u laheeyn
Daawada nuucyadeeda kala duwan kuwaas oo mararka qaar Kaniini ama Daawo dhacday
ka iibiya dad masaakiin ah oo aanan awoodin inay gartaan Qiyaanadaas.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
