Nin Soomaali ah oo ku lumay mid kamid ah dalalka Yurub oo sameeyay Qisa Cajiib oo uu isku baafinayo.

Saturday, April 27, 20130 comments


Nin Soomaali ah ayaa waxaa la sheegay in uu ku lumay dalka Sweden isaga oo ka dibna bilaabay in uu si nafsiyan ah isu baafiyo madaamaada uu waayay gurigii uu ka soo tegay.

Ninkaan oo ku cusbaa dalka oo aan garaneyn luuqad dhaafsiisan afka Soomaaliya ayaa waxa uu ku fikiray in uu raadiyo habka ugu fudud oo ruux Soomaali ah uu ku heli karo, isaga oo durbadiiba soo hindisay in uu isticmaamlo eray akhlaaq ahaan aan wanaagsaneyn hasa yeeshee Soomaalidu aad u garaneyso.

Durbadiib waxa uu ninkii bilaabay in uu qof kasta oo hareertiisa soo maro ku yiraahdo “Doofaar”, waxaana markii danbe soo maray nin Soomaali ah oo markii uu Doofaar ku yiri u jawaabay oo uu ku yiri, “Adiga ayaa doofaar ah”.

Intaas kadib ayaa ninkii lunsanaa ku soo booday ninkii oo uu ku yiri, “Wax I gartayba adaan kaa arkay ee waalunsanaaye xaafadeydii I gee”.








_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog