Shirkad ka shaqeyso Tagsiyada oo laga hirgaliyay Muqdisho + Sawiro

Saturday, April 27, 20130 comments



Shirkaddan lagu magacaabo City Taxi oo ay aas aaseen Dhalinyaro Soomaaliyeed oo daraasaad ku sameysay  baahida ay ummaddu u qabto helitaanka Kambani dhanka Tagsiyada ah oo leh ceymis iyo aqoonsi dowladeed oo damaanad leh ayaa hirgelisey raxan tagaasi ah oo ay ugu tala galeen in ay kaga qeyb galaan maalgelinta wadanku ubaahan yahay.

Shirkadan City Taxi oo tagaasidodu ka duwanyihiin  kuwii horay uga shaqeyn jiray magaalada Muqdisho ayaa waxa ay yihiin kuwo ay ku  sumadeysan Tagaasidii Muqdisho ka shaqeyn jirtay beri samaadkii.

Guddoomiyaha shirkadan cusub ee Tagaasida Cali Yare Gaani oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in u jeedada ay u hirgaliyeen shirkadan ay tahay sidii ay dadka ka shaqeeyo Tagaasiga ay u heli lahaayeen Ceymis iyo aqoonsi ay bixiso dowladda Soomaaliya.






_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog