Qoys tuug u soo dhacay saldhiga ugu dhaw geeyay kadibna iyagii xabsiga loo taxaabay (Arin layaab badan).

Saturday, April 20, 20130 comments


Sida ay xaqiijiyeen dad xog ogaal ah, Cid kunool mid kamid ah xaafadaha Muqdisho ayaa waxa ay gacanta ku dhigeen Tuug gurigooda ugu soo dhacay iyaga oo ka dibna ula dhaqmay si ka baxsan bini aadninimada.

Tuugga ayaa markii gacanta lagu dhigay waxaa laga xiray gacmaha iyo lugaha iyada oo dhamaan cidiina ay garaaceen dhaawacyana ay gaarsiiyeen markii ay ku daaleenna ay u wadeen saldhigga iyaga oo Police-ka u sheegay in ninkaani uu tuug yahay ay doonayaann in laxiro.

Ciidamadii ku sugnaa saldhigga oo aad ula yaabay dhaawacyada la gaarsiiyay ninka tuugga ahaa ayaa waxa ay waydiiyeen qoyskii saldhigga keenay dadka dhaawacyada gaarsiiyay iyada oo si fudud ay ugu jawaabeen “Innaga ayaa dilanay waa tuug. Hebel, Heblaayo iyo anig ayaa dilnay”.

Intaa kadib ayaa Police-kii waxa ay amar ku bixiyeen in xabsiga ladhigo Tuugii iyo sedaxdii ruux oo cadeestay in ay dileen iyaga oo lagu war geliyay dadkii qoyska tuugu u soo dhacay laga xiray in ay maxkamad lategi doonaan ninka ay sida arxan darada ah u dileen, si cadaalada ay u wajahaan.






_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog