Cilmi baarayaal ku
takhasusay cilmiga dhaqaalaha oo u dhashay wadanka Norway, ayaa shirkadaha
diyaaradaha u soo jeediyey inay dalacaan qiimaha ay ku qaadaan dadka aadka u
buurbuuran, kharashka laga qaadayana lagu sargooyo hadba inta xajmiga ama
culeeyska jirka qofku ku fadhiisto.
Qabiir Mr. Bharat Bhatta oo
macallin ka ah Jaamacadda Sogn Og Fjordane University College, ayaa shirkadaha
diyaaradaha ku boorriyey inay lacagta kirada rakaabkooda u eegaan baaxadda
qofku ka fadhiisan karo diyaaradda, waxaannu yiri; Si buurnida loo yareeyo,
lacagna loo helo waa in dadka buurbuuran kharashka ay diyaaradaha ku raacaan
waana arin muhim ah ayu leeyahay qabiirkan,
Sidoo khabiirkan
dhaqaale-yahanka ah uu tilmaamay in qof kasta oo rakaab ah la miisaamo culayska
jirkiisa, kadibna laga qaado lacag u dhiganta xajmiga miisaankiisu uu la
ekyahay,
Hadaba Shirkadda
diyaaradaha ee United Air Lines Inc oo dhaqan-gelisay soo jeedinta khubaradan,
ayaa qofka rakaabka ah ee kursigiisu keliya ku yaraado ku qasabtay inuu mid
labaad ka kiraysto si uu fadhigiisa u balaarto,
Ugu danbeeyntii Xog-ururin
ay qaadday mareegta (www.skyscanner.net), sannadkii 201, ayaa lagu ogaaday in
79% dadka safarrada jecel yihiin kuwa buurbuuran, sidaa awgeedna loo baahan
yahay in lacag dheeraad ah laga qaado haddii baaxaddooda jikoodu hal kursi
dhaafto.ama ay ka badato.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
