Waxaa maanta la soo saaray daraasaad waqti badan qaatay oo ay sameeyeen
khabiira ka socda Bollywoodka Dalka hindiya, kuwaa oo daraasaad ku sameenayay
actarada soo dhiga Filimaanta Jacaylka .
Daraasaadka
ayaa la soo ogaaday in Filimkii Ek Tha Tiger oo ahaa Filim jacayl uu xariir
jacayl ah oo dhab ah ku dhaxmaray Filimkaa dhaxdiisa Labada Actar ee salman
khan iyo Katrina Kaif, kuwaa oo markii danbe xariirkoodii hakad galay .
Shahid
Kapoor Priyanka Chopra ayaa iyaguna la sheegay in xariir dhaxmaray intii ay ku
guda jireen jilidii Filim jacayl ahaa waxana la sheegay in uu xariikooda gaaray
halkii ugu sareeyay sida khabiiradaa soo ogaadeen .
Yeh
Jawani Hai Dewaani ayaa asna noqday Filimkii jacaylkii dhaxmaray Labada Actar
ee Ranbir Kapoor iyo Deepika Padukone ka bilowday waxna uu gaaray xariirki
Filimkaa ka bilowday halkii ugu sareeyay wallow markii danbe jacaylkoodii guul
daraystay .
Bipasha Basu Dino Morea ayaa iyaguna xariirkoodii ka bilowday Filimka Raaz 3
kaa oo markii danbe guul ka gaareen kadib markii labada Actar ay is guursadeen
waxana ay noqdeen labadii actar ee jacaylka jilida filim ka bilowdo guul ku dhamaado
.
Akshay
Kumar iyo Shilpa Shetty oo iyana xariirkooda ka bilowday jilida filim ay si
wada jir ah u soo saareen ayaa ku guul daraystay in ay xariikoodaas ay guul ka
garaan kadib markii Shilpa Shetty guursatay nin ganacsade ah oo la yiraahdo Raj
Kundra asna guursaday Twinkle Khanna.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
