Siigada oo ah shey la sameeyo oo aay u badanyihiin Dhalinyarada wiilasha ah ayaa maalmahaan dambe waxaa ku soo biiray Gabdho, Siigada Ma banaantahay waxaay noqotay Su’aal u taala Sheekh walba meel la soo fadhiisto Mas’alo halay soo waydiiyo aniga ayaa idiinkaga jawaabayo, waxaana moodaa dhalinyarada in aay mas’aladaani u raadinayaan in mar’uun aay maqlaan waa aay banaantahay Mas’aladan ma banaano Siigada ah ama wiil ahow ama gabadh ahow haddana Culimada Cilmiga Galmada ku taqasusay waxaay sheegeen in cuduro badan laga qaado Siigada oo aay ka mid tahay Xubinta Taranka Raga oo yaraato, Biyaha oo si dhaqsa ah kaaga yimaado, Kaadida oo aadan ceshan karin, marwalba kacsi badan ama cudurka Mayiikada in uu kugu dhaco iyo adiga oo adan qoftaada si wanaagsan u qancin karin gabdhahana waxaa ku dhaca Xubinta Galmada Gabdhaha oo waynaata, Uurka oo daaha, dharag la’aan galmada, Ninkeeda oo aanay Qancin karin Cudurada Galmada laga qaado oou fududaato in aay ku dhacaan maadaama laga yaabo gacanta oo wasaq leh in aay alaabta la gasho.
Maadaama diinteena islaamka aay inaga xarimtay isla markaana cuduro kala duwan laga qaadayo dhalinyarada waxaan kula talinayaa in aay joojiyaan Siigada, haddii aad is celin waysana iska guurso ama Soon si aad u badbaado Aduun iyo Aakhiraba
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com