Haweeney u dhalatey dalka Jarmalka ayaa waxaa la sheegay inay ka yaabsatey dadka aduunka ka dib markii ay sidii raga oo kale ay la baxday gar iyo shaarbe
Haweeneydaan oo lagu magacaabo Maryam oo 49 sano jir ah ayaa waxaa la sheegay inay isku aragtay timhaan badan ee ka soo baxaaya wajigeeda 28 sano ka hor ka dib markii ay dhashay cunugeeda, iyadoona sida ay sheegtay ay kala tashataay hooyadeed waxa ay sameyn karto taas oo kula talisay inay siibto oo aysan xataa xiirin maadaama ay soo badan karaan iyadoona ay ahweeneydaas ay in mudo ah oo sanooyin badan ah ay sidaas ula dagaalami jirtey timahaas, laakiin laga soo bilaabo sanadkii 2008 ayey haweeneydaas ay go’aansatey inay joojiso xiiritaanka timahaas ka soo baxay sida garka wajigeeda taas oo keentay inay haeeneydasi ay yeelato gar sidii raga oo kale.
Ugu dambeyntiina iyadoo haweeneydaan ay hada la qabsatey oo ayna ku nooshahay noloshaas ah inay gar leedhay sidii raga oo kale ayaa waxay sheegtay inay sidaan u sameysay inay ku dhiiri galiso qaar badan oo ka mid ah haweenka aduunka oo ay haysato dhibaatadaan oo kale oo ku nool cabsi iyo wel wel iyadoona sheegtay inay iyadauba ay markii horey ay ku noolaan jirtey noloshaas oo kale laakiin ay hada taasi meel iska dhigtay oo ayan heshay kalsooni buuxda islamarkaana ayba u aragtao inay hada tahay qof ka soo jiidasho badan raga markii hore
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
