80 Jir Maalintii 10aad Cuntada ka Sooman, Kadib Markii Bisalay Qaadanaysay Hoos Loo Dhigay

Thursday, May 2, 20130 comments



Haweenay waayeel ah oo 80 jir da’deedu tahay ayaa cuntada ka sooman maalintii 10aad, kadib markii ay ka dayrisay bisil ay bishii qaadanaysay oo ay sheegtay inuu aad ugu yar yahay inay nololmaalmeedkeeda ku maarayso.

Fatoom Jazouli waxay bishii qaadanaysay 176 lacagta Dirhamka Marooco ah oo u dhiganta $20 dollar, waxaanay ka mid tahay dad badan oo waayeel ah ka mudaharaadsan lacagta bisilka la siiyo oo aad uga yar in qof waayeel ah ku noolaado.

Haweenaydan waayeelka ah oo ku nool magaalada Fez la yidhaa ayaa waqtigan cusibtaalka uu taala gaajo aawadeed, kadib markay muddadaas cuntada ka soomanayd sida uu warbaahinta maxaliga ah ee Morocco u shegay wiilkeeda,waxaannu ka dayriyey caafimaadka hooyadii oo uu sheegay inuu aad u liito.

‘’Waxaan go’aansaday inaan cuntada ka soomo, dalbadana sharaf iyo caddaalad’’ ayey tidhi Jazouli sida uu sheegay wiilkeeda oo la yidhaa Benaissa.

Mr. Benaissa waxa uu sheegay in hooyadii lacagtan bisilka ah ka dhaxashay aabbihii, kaasoo 20 sanno u shaqaynaayey ciidammadii boqortooyada Marocco.

Jazouli oo waqtigan ah ayeeyo ayaa ay sheegtay gabadh ay ayeeyo u tahay in dawladda dhawr jeer ay cabasho u gudbisay ayeeydeed, balse aanay wax jawaab ah iyo wax ka qabasho ah u muujin.

Dawladda Morroco ayaa bishii January ee sannadkan shaacisay in ay wax ka beddelayso nidaamkii hawlgabnimada, iyadoo xustay inay kordhinayso da’da lagu hawlgabo sida uu sheegay Ra’isal-wasaare Cabdillih Benkarin.














_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog