Haweeney Soomaali oo weerar ku qaaday dhaawacna u geysatay Dad Shaqaale Maktabada ah!!(Daawo Muuqaal )

Thursday, May 2, 20130 comments



Haweeney Soomaali ku nool dalka Mareeykanka ayaa waxaa la sheegay inay weerar ku qaaday islamarkaana ay dhaawac u geysatay u geysatay 2 qofood oo ka shaqeynaayey goob laybareeri ama maktabada buugaagta.

Haweeneydaan oo magaceeda lagu sheegay Samira Cabdala Saalim oo 35 sano jir ah kuna nool magaalada Bloomington, Minnesota ee dalkaas Mareykanka ayaa waxaa la sheegay intay gudaha u gashay meel laybareeri ah oo aan gurigeeda ka fogeyn oo lagu magacaabo Oxboro Library ee magaalada Bloomington sabab aan wali la aqoon waxay haweeney ku sugneyd halkaas ay xaga dambe ama dhabarka ay ka galisay shey af badan oo aan la aqoon waxa uu ahaa, ka dibna nin ka ahaa ilaaliya halkaas oo ku soo baxay qeylada haweeneyaas ayaa isku dayey inuu la hadla halkaas oo ay asagana ay caloosha ka galisay ka dibna ay halkaas ka baxsatay haweeneydaas, laakiin booliiska oo soo gaarey halkaas ayaa si sahlan ku soo qabtay haweeneydaas maadaama laga yaqaaney eeriyadaas oo ay ku nooleyd.

Ugu dambeyntiina iyadoo booliiska ay xabsiga dhigeen haweeneydaas Soomaalida ah ayaan wali aan la ogeyn sababta dhabta ah ee ka dambeysay falka haweeneydaas, Anisa Axmed oo 14 sano jir ah ayna deris ahaayeen haweeneydaas ayaa waxay sheegtay inay la yaabtay falka ay ku kacday haweeneydaas oo ay tiri inuusan ahayn mid aysan ka fileynin, sidoo kale madax booliiska ee magaaladaas Mark Stehlik ayaa waxaa uu sheegay in wax lala yaabo ay tahay in qof iska caadi ah uu ku kaco falka noocaas oo kale ah, laakiin wararka qaar ayaa sheegaayo inay haweeneydaasi ay falkaas u sameysay sababo diimeed laakiinse aysan jirin cid xaqiijisay wali arintaas.







_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog