War Deg-Deg Ah Odayaal iyo waxgarad oo isaga baxay shirka Kismaayo, kadib markii ay saluugeen habka awood qeybsiga

Saturday, May 11, 20130 comments



Odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda beelaha ka qeyb galaya shirka ka socda Kismaayo ee maamul u sameynta Jubooyinka ayaa isaga baxay, kadib markii ay sheegeen in habka awood qeybsiga ergada in laga badsaday.

Odayaal ka soo jeeda beelaha Sade, Biyamaal, beesha Cowrmale iyo Gaaljecel ayaa shirka isaga baxay, iyadoo shirka uu galay xaalad buuq ah, kadib markii ergadii ugu badneyd shirka ay qaateen beel kaliya.

Nabadoon Cabdi Kheyr Xaaji Ismaaciil ayaa u sheegay warbaahinta Muqdisho in beel kaliya ay noqdeen kuwo ugu badan ee qaatay ergada, isla markaana beelihii kale ay u qalmi waayeen sadka laga siiyay ergada.

Wararka ayaa sheegaya in odayaasha shirka isaga baxay ee beelaha ka soo jeeda ay maanta ku yeelanayaan Kismaayo kulan ay ku qaadacayaan shirweynaha, iyadoo khilaafka shirka Kismaayo uu cirka isku sii shareerayo.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa shirka Kismaayo ka taagnaa khilaaf iyo is qab qabsi, waxaana isa soo taraya siyaasiyiinta iyo waxgaradka ka soo horjeeday shirkan oo qaarkood ku tilmaamay mid aan loo dhameyn oo hal dhinac un ka socda.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u cadeysay mowqifkeeda, iyadoo diiday wax kasta oo ka soo baxa shirkaas, inkastoo Maamulka KMG ee Kismaayo uu sheegay in shirka ay sii wadayaan ilaa ay ka dhisayaan maamul goboleedka Jubaland.








_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog