In
ay u oofiso dharku jecelyahay ninkaagu iyo wuxuu cunaba iyo wixii kale ee
wanaag ahba, maxaa yeelay waxay kordhin jacaylkooda iyo xidhiidhkooda usrada.
In
ay sii sogootido markuu guriga ka baxayo ee uu u baxayo cibaado uu jecelyahay.
Markuu
guriga ku soo noqdana waa in ay ku soo dhaweysaa bashaashnimo, wajifurni,
adeecid, hadduu shaqo soo qabtayna aad usoo dhaweeyso.
In
ay marwalba u muujiso ninkeeda xubigiisa qawlkeeda, ficilkeeda iyo habka
asluubteeda.
In
ayd wax walba ka hormariso ninkeeda xataa ilmaheeda.
Markuu
doonayo in uu hadlo aamusto, hadalkiisana fursad siisa sidaasna usameysa mar
walba, sidaas buu ku dareemayaa ninku in ay xaaskiisu ihtimaam siineyso.
Waa
in ay ka fogaato ku soo celcelinta gafkiisa waayo hadhow waxaa yaraanaya
ixtiraamkiisa.
In
ay sawjkeeda agtiisa ku amaanin nin kale waayo wuxuu keenaa masayr, khilaaf
wuuna ka jeestaa ninku wajiga xaaskiisa.
In
ay xiftido sirtiisa oo ayna ka fidinin sababtoo ah waa amaano
Yaysan
kaga mashquulin ninka oo jooga wax kale, sababtoo ah wuxuu rabaa in ay qalban
bi qalbi iskula joogaan.
Waa
in uu codkeedu yar yahay oo xad qoslin, waayo markuu hadalkii fawdo noqdo
aamusniduna waytagi.
In
ay ku mashquuliso wakhtigeeda wixii anfacaya aakhiro iyo adduunyaba. Waa in
aynaa wakhtigeeda qaaliga ah ku luminin qaaylo, buuq, xan , isku dir iyo wax
kale oo xun.
In
ayna raadin waxayna haysanin, oo ay ku shugrido wuxuu Illaahay siiyay oo ay
qaneeco la timaado.
Waa
in aay laasinto (joogto ka dhigto) Quraan akhriska iyo kutubta cilmiga ah ee anfaca
leh , waana in ay lahaato wardi ay maalintii akhrido.
Waa
in ay ka fogaato quruxda xadka ka baxsan iyo udgoonka markay guriga ka baxayso.
In
ay noqoto mid dadka diinta ugu yeedha iyo dariiqii Rasuulka [Salallaahu calayhi
wasalam] ugu yeedha ugu horeyn ninka kadibna ku xijiso dadka kale.
In
ay ixtiraamto ra yiga ninkeeda waana albaabaha ixtiraamka arinkaasi.
In
ay siiso ninkeeda dhamaan xuquuqdiisa oo dhan wixii Illaahay ku waajib yeelay
iyadoon ka caajisin ugu samaysa wanaag.
In
ay ka fogaato bidcada, sixirka iyo xumaanta oo dhan waayo waa dariiqa naarta
lagu galo.
In
ay raali galiso markuu cadhoodo ninkeedu
In
ay noqoto qudwo wanaagsan markey saaxiibadeed la joogto iyada oo unoqonaysa
tusaale sida hanuunkeeda hadalkeeda, quruxdeeda, edabteeda iyo akhlaaqdeeda.
Waa
in ay laasimtaa xijaabka Islaamiga ah ee sharciga ah.
Markuu
safar rabo ugu duceysa khayr iyo nabad galyo iyo in ay wax walba u xifdido.
In
ay ilaaliso dareenka ninkeeda, kana dhawrto wixii dhibaya.
In
ay ninkeeda umuujiso run in ay kalgacal u hayso iyada oo isticmaalaysa hadal
qurux badan oo waxaa ku noqonaysa sacaadatu-zawjiyah.
In
ay ilaaliso dareenka ninkeeda oo ay ka dheeraato wixii dhibaya ee hadal ah,
ficil ama dabeecad xun ah.
Markii
uu u keeno hadyad waa in ay mahad naqdo iyada oo muujinaysa jacayl iyo farax,
hadayadii awgeed waxaa siyaadaya jacaylkeeda, waxaana tagaya xiqdiga iyo
cadhada ka dhaxaysa labada isqaba.
Waa
in ay tahay mid diin iyo qurux leh, oo leh quruxda diinta, diinteeduna kaamil
tahay (dhamaystirantahay) oo dabeecad wanaagsan.
Waa
in ay ogaato wakhtiga uu ninkeedu faraxsanyahay, murigeysanyahay,
cadheysanyahay, qoslo, ooyo, sababtoo ah arinkan mashaakilka usrada ayuu baabi
inayaa.
In
ay ninkeeda nasteexooyin siiso, waxa wanaagsana u ishaarto ninkeeda. Waa in uu
ka qaato ninku xaaskiisa ra yigeeda. Rasuulkii Illaahay [Salallaahu calayhi
wasalam] wuu ka qaadan jiray haweenkiisa ra yigeeda mawqifkasta.
In
ay jeclaato ninkeeda, ixtiraanto, oo aysan kala dibdhicin shaygu jecel yahay ee
ay usoo hormariso.
In
ay tahay shaqsiyad go aan adag leh oo ku kalsoon labiskeeda iyo dhamaan
hadalkeeda oo dhan.
In
ay raacdo ninkeeda markey u baxayso dawaafid sharci ah.
In
ay ku dhahdo macaane sababtoo ah kalmada wanaagsani qalbigaa jecleysta, ninkana
waxaa ugu siyaada jaceyl markasta oo ay ku tidhaahdo hadal macaan.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com