Daaw Sawirada wiil indhihiisa ay u ekyihiin kuwa bisada iftiin iyo Mugdina isku mid wax ugu arkaya.

Saturday, May 11, 20130 comments



Wiil u dhashay dalka Shiinaha ayaa waxaa lagu arkay Mucjiso rabaani ah iyada oo kalarka indhihiisu ay u egyihiin kan bisada ama mukulaasha oo kale.

Arinta ugu yaabka badan ayaa waxa ay tahay in wiilkani mugdi iyo iftiin aysan waxba isu doorin oo mar kasta uu si caadi ah wax u arkayo.

Eheladiisa ayaa waxa ay sheegeen in markii uu dhashay ay la yaabeen oo ay dhaqaatiir u geeyeen si ay u sheegaan waxa jira hasa yeeshee dhaqaatiirtii ay ugu bishaareeyeen in wax dhib ah uusan qabin.

Si kastaba, arintaan ayaa waxa ay kamid tahay mucjisooyinka rabaaniga ah ee ka dhaca dunida daafaheeda, kuwaa oo isugu jira kuwa ka farxiya dadka ay haleelaan iyo kuwa laga naxo.


















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog