Haweenka u dhashay dalka Hindiya ayaa aad u isticmaala kiniinnada la isku naaxiyo si ay ugu ekadaan qaar ka mid ah gabdhaha aflaamta jila ee ka tirsan shirkadda Bollywood, waxaanay dhakhaatiirtu uga digeen in caafimaadkoodu halis ku jiro.
Warbaahinta maxalliga ah ee Hindiya ayaa daabacday in haweenka dalkaasi aad isu ekaysiiyaan xajmiga jilayaaga caanka ah ee hore ugu guulayastay quruxda dumarka adduunka ee Aishwarya Rai oo waqtiyadan dambe aad miisaankeedu u weynaaday, kadib markii ay dhashay wiilkeedii ugu horreeyey.
Haweenka kale ee jila aflaamta ee gabdha reer Hindiya isu ekaysiyaan waxa ka mid ah Vidya Balan iyio Sonakshi Sinha, kuwaasoo miisaankood ka culus yahay dumarka kale ee jilayaasha ah.
Khubarada caafimaad ee waddanka Hindiya waxay ka digeen khatara ka dhalan kara isticmaalka kiniinadan miisaanka jidhka kordhiya amma dadku isku naaxiyaan, kuwaas oo ay xuseen inay sababi karaan dhaawacyo soo gaadha beerka iyo kelayaha, sidoo kalena wax u dhinto aragtida qofka.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com