Daawo Muqdisho oo Markale Laga yaabanyahay+SAWIRO

Friday, May 3, 20130 comments


Waxaa Maalintii 4aad xiran qaar kamid ah Wadooyinka Muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho iyadoona goobahaasi lagu arkayo ciidamada kala duwan ee Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Amaanka Caasimada ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana goob kasta lagu arkayaa ciidamo aad u badan oo katirsan Dowlada kuwaa oo ku jira heegan buuxa ee kaga hortagayaan qaraxyo iyo weeraro laga cabsi qabo in Al-Shabaab Muqdisho ka fuliyaan.

Ciidamada ayaana gabi ahaan xiray Wadooyinka Muhiimka ah ee isticmaalayeen dadka iyo gaadiidka iyadoona loo diiday Isticmaalka gaadiidka halka dadweynaha ee iyagu cagtooda maalayaan maadama uusan jirin baabuur ee raacaan.

Xirnaashaha Wadooyinka Muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho ayaa saameyn badan ku yeeshay dad badan oo inta badan wadooyinkaasi isticmaali jiray halka kuwa kalana ee ku lahaayeen goobo ganacsi , waxaa sidoo kale Xirnaashaha wadooyinka saameyn ku yeesheen Goobaha Waxbarasho.

Wadooyinka sida aadka ah amaankooda loo sugayo lana xiray ayaa waxaa kamid ah Wadada Maka Al-Mukarama iyo Wadada ka timaada Garoonka Aadan Cadde halkaas oo la dhigay Ciidamo badan oo amaanka xaqiijinaya si ay uga hortagana Weeraro Al-Shabaab Muqdisho ka fuliyaan .

HOOS DAAWO SAWIRADII UGU DANBEEYAY



















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog