Daawo Muuqaalkaan Haweeney Hindi ah Oo Train Ku dul dhashay Mataano !!

Friday, May 10, 20130 comments


Daawo Muuqaalkaan Haweeney Hindi ah Oo Train Ku dul dhashay Mataano !!

Haweenay u dhalatay dalka Hindiya ayaa markii labaad tareen guudkii ku dul umushay sida ay ku warantay, qaar ka mid ah warbaahinta dalkaasi hindia.

Zubin Nisha oo ah Haweenaydan ayaa la xaqiijiyay inay foosha qabatay xili ay la socotay tareen u kala safrayay, magaalooyinka Mumbai iyo Gowanda, waxaana odaygeeda iyo qaar ka mid ah dadkii ku safrayay, tareenkaas khasab ku noqotay in ay ka umuliyaan haweeneydaasi.

Sida la xaqiijiyay waxa ay haweenaydani tareenka dushiisa ku umushay laba mataanood, oo wiil iyo gabadh kala ah, kuwaas oo sida la sheegay dhamaantood caafimaadkoodu fiican yahay, isla markaana sedkooda oo dhamaystiran ay ku dhasheen.

Warbaahinta gudaha ee dalka Hindiya ku warantay haweenaydan ayaa afar sanadood ka hor sidan oo kale ugu dul umushay tareenkaas laftiisa oo safar, sidan oo kale ah ay wakhtigaasna ku jirtay.

Hadaba Ninka qaba gabadhan oo lagu magacaabo, Hussein Habibullah oo ka hadlay xaalada xaaskiisa iyo foosha ku dul qabatay tareenka guudkiis markii labaad ayaa waxa uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in carruuri markii labaad ugu dul dhalato tareenka dushiisa, waxa kale oo uu ku dooday in tani u tahay magac iyo sumcad bulshada dhexdeeda uga soo korodhay markii labaad oo ay ilma tareen dushiisa ugu dul dhashaan,

Hussein Habibullah ayaa sidoo kale aad ugu mahad naqay shaqaalaha tareenkaas iyo qaar badan oo ka mid ah dadkii la safrayay, ee ka caawiyay ka dhalintii gabadhaas, kuwaas oo sida uu sheegay qaarkood ugu deeqeen dhar iyo kabdhado ilmaha lagu qabto.

Ugu danbeeyntii Inkasta oo tareenadu mashquul badan yihiin dalka Hindiya dadka ku wada safrayaana aanay isku fiirsan, oo sida marar badan dhacda qofka ka soo degaa waxba ka xasuusan dadkii tareenka la saarnaa, haddana waxa uu tareenkaasi maalintaa noqday mid rakaabkiisu ka wada hawl galeen, ka umulinta gabadhaas iyo la socoshada xaaladeeda, waxaanay rakaab badani ilaa gaadhiga laga saarayay la joogeen qoyskan.



HALKAN KA DAAWO VIDEO FAAH-FAAHIN AH:-



_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog