Hadaba
Mowduuca uuraysiga iyo madhalaysnimadu waa mowduuc aannu is leennahay aad iyo
aad buu ahmiyad ugu leeyahay cid kasta oo Soomaali ah oo doonaysa inay guri
degto ubadna daadihiso, maxaa yeelay waxaa ku jira macluumaad hadduu qofku
fahmo uu kaga maarmi karo dhakhtar raadin iyo dhibaatooyinka dhaqaale ee daba
jiitamaya, kol hadday ummaddu isaga badan tahay taagooley aan xitaa bixin karin
kharashka wiisitada intaanan daawaba laysla gaarin. Haddaba annaga oo mowduuca
dib ka quusi doonna, bal marka hore aan ku billowno macluumaad guud oo ku
saabsan jinsiga qofka iyo dareemishiisa,
Minada
Ama Xawada,
Xawadu
ama minada ,waa walax duuf ah oo uu ninku ku tuuro ilma-galeenka xaaskiisa
kolka uu gaaro heer biyabbax. Xawadu kolka ay soo baxayso waxay leedahay midab
jaalle xigeen ah oo u eg casaanka ukunta, ha yeeshee waxay dareere dhegdheg ah
isu beddeshaa kolka ay hawadu ku dhacdo. Waxa kale oo ay leedahay ur gaar ah oo
uu sababo dheecaanka borostaatka loo yiqaana,
Ha
yeshee Xawadu waxay si joogta ah ugu samaysantaa labada xiniinyood laga
billaabo xilliga qaan-gaarnimada (13-15 jir), waxanay ka samaysan tahay madax
ay ku jiraan Hiddo-sideyaal (Genes), iyo dib u fududeeya inay dhaqdhaqaaqdo.
Xawadu waxay ku noolaan kartaa gudaha habdhiska taranka naagta muddo afar maalmood
gudaheed,
Ogow
Halkii tuurmo oo xawa ahi waxay u dhigantaa 3-6cm oo saddex jibbaaran ama
220-300 milyan oo unugyo jinsiyeed (Sperms) ah,
Si
kastaba ha ahaatee Xawadu intaanay ka bixin jirka waxay soo martaa masaafo aad
u fog oo ku dhow laba mitir oo dherer ah. Kolka istiinku uu gaaro heerka ugu
sarreeya, geedka ninku waxa uu tuuraa shan ilaa siddeed tuurmo oo xawo ah isaga
oo sidaasi kaga takhallusaya wax kasta oo ku jira xawada ama minada.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
