Ciidamada
Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ku sugan Magaalada Baladweyn ayaa Maanta
Xaafado kamid ah Magaaladaasi waxa ee ka sameeyeen Howlgalo gaar ah oo lagu soo
qab qabtay rag lala xariiriyay Al-Shabaab iyo Hub.
Howlgalkan
ee iska kaa shadeen Ciidanka Dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa si gaar ah waxaa
looga fuliyay Xaafada Howl Wadaag ee Magaalada Balad Weyn halkaas oo lagu soo
qab qabtay in kabadan 20-qof oo lagu tuhmayo in Al-Shabaab xiriir la leeyihiin
iyo hub.
Guddoomiyaha
gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo ka hadlay Howlgalkan ee fuliyeen
Ciidanka Dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa sheegay in lagu soo qab qabtay
Dagaalyahano katirsan AL-Shabaab iyo hub nuucyo kala duwan ah.
Cabdi
Faarax Laqanyo ayaa xusay in dadkan la qab qabtay Maanta baaritaano dheeraad ah
lagu sameyn doono cidii dambi lagu helana Xabsi lagu heyn doono kuwa kalana
lasii deyn doono.
Howlgaladan
ayaa imaanaya xili amaanka Magaalada Baladweyn uu soo hagaagayo waxaana si
joogto ah howl galo amaanka lagu xaqiijinayo kaga sameeya Ciidamada Dowlada
Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com







