Daawo Sawirada :Wadooyinkii hal boolaha u ahaa Magaalada Muqdisho oo haawanaya kadib markii gawaarida Dadweynaha laga mamnuucay

Friday, May 17, 20130 comments


Wadooyinka Muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho ayaa dhawaan Dowlada Soomaaliya waxa ee ka mamnuucday in ay isticmaalaan gawaarida dadweynaha oo inta badan wadooyinkaasi isticmaali jiray mashquulkoodana uu aad ugu badnaa.

Gawaarida Dadweynaha ayaana lagu amray kaliya in ee maraan xaafadaha dhaxdooda taa oo ka dhalatay dhibaato xoogan iyo in ee mararka qaarkood wadooyinka xaafadaha isku xirmaan gawaarida xayiraad badana ee halkaasi ka dhacdo.

Laamiga Maka Al-Mukarama waa holboolaha wadooyinka mUqdisho xiligan waxa uuna ahaa mid mashquul badan oo gawaari badan ee isdaba dureeraan hasa ahaatee hada waxaad moodaa in laamiga laga guuray waxaana aad u yar gawaarida isticmaasha marka laga reebo gaadiidka Dowlada iyo gawaari yar yare e wataan dadweynaha.

Gawaarida BL-ka ayaana ahaa kuwa ugu badan ee isticmaala wadooyinkaasi aadna u camiri jiray , balse waa laga mamnuucay markii ee kordheen falalka isqarxinta ah ee ka dhaca wadadaasi muhiimka ah iminkana aad u yaryihiin gawaarida.























_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog