Dhaqan Cusub oo Soomaaliya lagu Arkay iyo Nin 4 Xaas uu qabo Hal Guri ku wada Hayo Ama ku wada Nool!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)
Nin ku nool magaalada Hargeysa ee maamulka Soomaaliland ayaa waxaa la sheegay inuu noqday ninkii ugu horeeyey ee 4 xaas ah oo uu qabo hal guri isugu keenay oo ayna halkaas kuwada nool yihiin dhamaantood
Suldaan Maxamed Muuse Nuur Suldaan Abuu Sufyaan ayaa waxaa la sheegay inuu noqday ninkii ugu horeeye ee muumulka Soomaaliland ee guri kaliya kula wada nool 4 xaas oo uu dhalay iyo 10 caruur ah oo ay u dhaleen, gurigaan oo ka kooban lix qol ayaa afartaas haweenka ah iyo caruurtooda iyo odeygooda ay kuwada nool yihiin dhamaantood iyadoona aysan jirin wax dhib ah oo ka dhexeeya qoskaas balaaran islamarkaana ay u nool yihiin sidoo qoys kaliya oo kale.
Ugu dambeyntiina iyadoo arintaa ay tahay mid aysan jeclaan lahayn qaar badan oo ka mid ah haweenka Soomaaliyeed ayaa ninkaas oo ka hadlay dhibka kaliya ee ka haysta arintaan waxaa uu ku sheegay in marka ay arkaan xaasaska ay qabaan asxaabtiisa asaga oo la socda ay ku bilaabmaan muran iyo qeylo ka dibna ay asxaabtiisu ay kag timaado cabasho, Ninkaan ayaa sidoo kale waxaa uu ku guubaabiyey dhaliyarada iyo raga Soomaaliyeed inay ku daydaan arinka uu sameeyey oo ayna guursadaan afar naagood meelna ay isugu keenaan sidiisa oo kale.
Hoos Ka Daawo Ninkaasi Adigaa Yaabayee
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com