Soomaalidu waxa ay tiraahdaa hadaad dhimaneyso dhareerka waa la iska duwaa maahmaah kale ayaa ahayd waa baahanahay baqti looma cuno waxaan u soo qaatay labadan maahmaah ka dib markii aan arkay Soomaalidii oo ka talaabsatay dhamaan waxyaabihii diin ahaan iyo dhaqan ahaan u aaminsaneyd oo waxa ay ku leeyihiin waan jabnayoo wax naga xaaraanba ma jiraan.
Umadduhu marka ay u jabaan Cadowgooda wax badan ayaa iska badalo hadii jabkaasi uu dheeraadana waxaaba laga yaabaa in Jiilal dhan hawada ka baxaan oo Umaddaasi sidaasi ku tirtiranto ama dhaqanadii iyo diintii lagu yaqiiney iska badalan sida ka dhacday wadankii la oran jiray Undulus oo dadkiisu ay Muslim ahaayeen halka maantana ay haystaan diimo kale
Soomaalidu waxa ay ahaayeen dad 100% Muslim ah oo hadana Sunni ah ka dib markii ay dhacday dowladdii dhexe waxaa wadanka soo galay Hayado badan oo faafiyo diimaha iyagoo ku soo galayo wadanka waxaan nahay Hay'ado gargaar iyo kuwa caafimaad sida maalin dhexdaasi ka dhacday Magaalada Hargeysa halkaasi oo nin isku sheegay inuu yahay dhaqtar la ogaaday inuu faafiyo diinta Chiristaanka ka dibna laga ceyriyey,waxa ayna arintaasi ka socotaa dhamaan wadanka oo dhan marka laga reebo meelaha ay maamulaan nimankasi Xag jirka ah Al-shabab.
Maamulada wadanka ka jira oo ay ku jirto Dowladda Federaalka ma'ahan kuwa dan iyo muraad ka leh Umaddan iyo diinteeda waxaana u daran Iyaga lagac oo kaliya waxaana tusaale u ah sida aysan u lahayn Hay'ado la socda dhaqdhaqaaqa Hay'adaha iyo Shaqsiyaadka ka shaqeynayo gudaha wadanka, waxaa kaaga sii daran wadanka waxaa joogo ciidamo ka socdo wadamo aan Muslim ahayn maka laga reebo Jabuuti oo iyana dhinacooda ka wado faafinta ahdaafta ay u yimaadeen warna looma hayo waxa ka socda xarumaha ay ku nool yihin iyo dadka u shaqeeyo ciidamadaasi.
Waxaa kaloo jira dad badan oo Soomaali ah kuwaas oo dib ugu soo noqonoyo guduha wadanka laga yaabo qaarkooda inayan muslin ahayn mana jirto Hay'ado la socda dhaqdhaqaaqooda iyo waxa ay u yimaadeeen,Waxaa kaloo qatar weyni ka soo socotaa Soomaalida qurbaha ku nool oo qaar badan uu ku dhacay isbadal ka dib markii ay ku milmeen Umado dhaqan ahaan iyo diin ahaanba ka duwan Soomaalida waana qatarta ugu weyn ee mustaqbalka imaan karta.
Soomaalida Intooda badan waa dad Suniyiin oo hadana haysto Madhabka Shaaficiga ah laakiin labaatankii sano ee la soo dhaafay waxaa soo badanaayey dadka qaadanayo madhabta Shiiciga ah iyo firaqda kale ee baadida ah sida Axmadiyada,waxa ayna ka faa'iideysanayaa Shiicada iyo firaqdan kale faqriga iyo baahida ka jirta wadanka iyo waliba dowlad la'aanta,
Dadka Soomaaliyed waxa ay ahaayeen dad qab weyn oo aan marna gumeysi iyo dabadhilifnimo ogoleyn waxaana shaahid ah taariikhda laakiin maanta waxa ay Soomaalidii soo baxeen dad ducafo ah oo aan xitaa kala aqoon cadowgooda iyo saaxiibkood oo waxaad maqleysaa mararka qaar walaalaheena Itoobiya iyo walaalaheena Kenya waa cadowgii burburiyey dowladdeenii ayaa maanta waxa naloo sheegayaa iney yihiin walaalaheena ka shaqeynayo maslaxaddeena !!
Waxyaabihii iigu yaabka badnaa oo aan maqlo waayadan waxa ay ahayd sida Madaxda Soomaalida uga jawaabeen geeridii Males Zanawi marka laga reebo Nimanka Xag jirka Alshaab inta kale waxa ay uga tacsiyeeyeen geeridii Malez Zanawi si laga yaqyaqsooda oo aan ku habooneyn qof Muslima ah,waxa ay noqdeen mid yiraahdo Allaha u naxariisto Males iyo mid yiraahdo geerida Zanawi waa geeri naxdin leh Malezna waa ninkii dilay boqolaalka kun burburiyey Magaalo madaxdii wadanka.
Gaba gabadii waxaan hadalkayga ku soo koobayaa Soomaaliyey hadaad jabtay macnaheeda ma'ahan inaad xaarka cunto oo aad ka tanaasulto diintaada iyo dhaqankaada oo ciddii kuu timaadoba aadan welcome dhihin, Soomaalidu waxa ay tiraahdaa {hadaad dhimaneyso dhareerka waa la iska duwa} ma'ahan inaad tiraahdo waan baahanahay wax kasta waan cunayaa, ma'ahan inaad tiraahdo hadaan jabay waan isdhiibayaa ma'ahan inaad tiraahdid ninkii lacag watoba waa walaalkay waa in wax la iskula haraa.ma'ahan in Wadanka laga dhigaa badeeco meel taalo oo laga iibiyo cidii lacag wadato,ninkii na caawinaayo waa welcome laakin waa inuu ilaaliyaa waxa aan nahay.
Maalin dhexdaasi waxaan website-yada ku arkay gabdho dhuuqayo bahal magaceeda aan kari waayey laakin u ekaa bulaacad oo carabta dhuuqdo waxa ay ku leeyihiin waan rafaadnayo danta ayaa noo geysey,kuwa kale waxa ay ka baxeen diintii gaajo iyo rafaad dartii,kuwa kale waxa laga yaabaa iney jirkooda ka ganacsadaan walciyaadu bilaah waxaasi qiil ma'ahan.
Hadii war hala heshiiyo la diiday oo qabyaalad iyo dabadhilifnimo la doortay waxaan u soo jeedinayaa Maamulada ka jira wadanka dhowr qodob:-
1-Wadanka waa wadan Muslin oo Sunni ah waa inaan la ogolaan in lagu faafiyo wax aan ka ahayn diinta Islaama iyo Madhabka Suniga.
2-Waa in loo sheegaa Hay'adaha iyo Shaqsiyaadka u shaqeeyo iney raacaan Qawaaninta iyo Shuruucda wadanka u yaalo ilaaliyana Anshaxa Umadda.
3-In la dhisaa Hay'ado la socda dhaqdhaqaaqa Hay'adaha iyo Ajaanibta imaanayo wadanka.
4-In la mamnuuca dhamaan Muqaadaraadka oo uu ugu horeeyo Jaadka.
5-In la xira dhamaan meelaha lagu daawado Aflaama qeybaheeda kala duwan marka laga reebo Isboortiga.
6-In laga hortago kulamada ay qabanayaan Fanaaninta caadeysatay fasaadka iyo dhaqan xumada ee lagu fasahaadinayo dhalinta.
7-In Culimadu kala shaqeeyaan Maamulada ka hortaga fasaadka iyo fuxshiga.
8-In la wadaago macluumaadka Hay'adaha iyo Shaqsiyaadka ku howlan waxyaabo liddiga ku ah diinta iyo dhaqanka Umadda Soomaaliyeed.
W/Q Mohamed Ibrahim
(greatman33@hotmail.com)
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
