Iyado
xili walba dhakhaatiirta ay u yimaadan dad doonaya inay kala tashadaan inta
jeer ee ay isu galmoon karaan iyadoon wax dhibaato ahi ku imaan caafimaadkooda.
Hasa
ahaatee lama helayo jawaab ku wada haboon dadka oo dhan sababta ah bani’aadmka
waxa uu ugu kala duwan yahay rabitaanka jinsiga, sida uu u kala duwan yahay
xagga da’da, awoodda, dareenka, iwm.
Horaa
Lo yiri “Qofka caaqilka ahi waa kan sadex waxyaabood joogteysta, ha yeeshee aan
badsan kuwa oo kala ah Cuntada, socodka iyo galmada. Waxa kale oo la yiri
“Geedka ninku waa sida candhada xoolaha, haddii la liso wuu dararaa oo
godladaa, haddii la daayana wuu guraa. Nin tilmaamaya siduu galmada u jecel
yahayna wuxuu yiri: “Saddex baan la’iga maareyn karin: Hilib la cuno, hilib la
koro (sida fardaha) iyo hilib hilib lagu liso (sida haweenka)”.
Sido
kale Nin baa asagoo wiilkiisa la dardaarmaya ku yiri: “Wiilkeeyow, dumar la
xaajoodkood haku dheeraan yaanad ka xiisin ayana kaa xiisa dhicine, inaad ka
joogsato adoo u jeellan baana laguu qaatay intay adoo jilcan ku jiidjiidi
lahaayeen”
Si
kastaba arintu ha ahaatee, labada ruux ee isqabaa waxa ay isu galmoon karaan
mar kasta oo ay iska gartaan rabitaan iyo inay u dul-qaadan karaan galmada,
iyagoon dareemin wax aan ka ahayn xoogaa yar oo daal ah oo yimaada kolka ay
hawsha galmadu dhammaato.
Tusaale
ahaan, hadday galmadu dhacdo habeen, waxa lama huraan ah in daalka ka dhashaa
uu baaba’o jiifka hortiis, subaxdiina labada ruux ay shaqadooda u baqoolaan
iyaga oo ay ka muuqato firfircoonaan dheeraad ahi. Haddiise ay toosaan iyaga oo
daal iyo tamar-darro la ildaran, jirkoodana meel waliba jaban tahay, ama ay
dareemaan gaajo iyo lalabbo, amaba cajarrada oo uu culays ka saaran yahay, iyo
weliba jilbaha oo xanuunaya. Waxaasi oo dhami waxay tusaale u yihiin in
habdhiska taranku uu gudbay xuduuddii awooddiisa iyo qaaciddadii macquulka
ahayd. Waxaad haddaba halkaasi ka garan kartaa in firfircoonaanta iyo caafimaad
qabka maalintii ay daliil u yihiin inta jeer ee saxda ah ee la isu galmoon
karo.
Hadaba
Waxaa jirta in ciyaaraha isboortiga, iwm., ay qayb libaax ka qaataan dhismaha
jirka. Ragga feerka ciyaara mar kasta oo ay murqohoodu sii dhismaan, jirkooduna
sii xoogaysto, xiniinyahoodu waa ay sii yaryaraadaan. Ragga caynkaasi ahi kolka
ay gaboobaan ma tamar-darreeyaan, sababta oo ah waxa sii baaba’a qanjirradooda
taranka. Ha yeeshee dumarka aan loo galmoon, jirkoodu waa uu kala daataa iyaga
oo dhallinyaro ah, sababta oo ah ugxan-sidayaashooda ayaa joojiya soo saarista
ugxanta.
Sida
caadiga ah, kolka galmada hore ay dhex marto labada ruux ee isqaba, geedka
ninku waa uu damaa, dabeetana waxa labada qof qabta wax aad lulo mooddo oo ah
daal iyo macaan isku dheehan. Waxase jira rag kolka ay biyabbaxaan uusan
geedkoodu damin, awoodna u leh inay mar labaad galmo sameeyaan. Ragga qaar baa
saddex ilaa afar jeer oo isdaba joog ah biyabbaxa isagoon geedku ka damin,
waxase aanu shaki ku jirin in mar kasta oo ay galmadu badato ay awoodda raggu
sii yaraato, yaraatana xawada ay tuurayaan ilaa ay eber gaarto. Qanjirrada
taranku si ay mar labaad u soo daayaan xawo bisil, waxay ugu yaraan u baahan
yihiin toban saacadood. Sidoo kale dareenka macaansi ee ninku waa uu yaraadaa
galmada labaad ama tan saddexaad kadib. Biyabbaxa (gariirka) naagtu isagu waa
uu ka duwan yahay kan ninka, dhismeheeda oorganeed baana u oggolaanaya inay
inta ay doonto galmo ka qayb qaadato.
Ugu
danbeeyntii Waxaa la arkaa in haweeneydu ay awooddo inay ninka hoos seexato oo
uu ka xaaja guto, iyada oon gaarin heer kacsi ay ku biyabbixi karto, ha yeeshee
haweeneyda caynkaasi ahi kolka ay hoos jiifto gacalkeeda ay jeceshahay, waxay
biyabbaxdaa 2-3 jeer intuusan isagu biyabbixin. Waxaa weliba la sheegaa in
aanay haweeneydu ka daalin kacsi ilaa ay ka hoos istaagto ninkeeda, haddii iyada
lala tashan lahaana ha la’isa saarnaado ay oran lahayd habeenkaasi oo dhan.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
