Wiil Soomaali oo lagu Eedeeyay in gabar yar oo 10 sano jir ah Dalka Denmark ku kufsaday!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)

Thursday, May 9, 20130 comments


Wiil Soomaali oo lagu Eedeeyay in gabar yar oo 10 sano jir ah Dalka Denmark ku kufsaday!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)     


Wiil Soomaali ah oo ku nool dalka Denmarka ayaa waxa la sheegay inay maxkamd ku taal dalkaasi ay xukun ku riday ka dib markii ay ku cadaatay inuu kufsaday gabar yar oo saqiir ah oo 10 sano jirtey
  
Wiilkaan oo lagu magacaabo Axmed Cumar Moxamed oo 17 sano jir ah ayaa waxaa la sheegay inay maxkamad ku taala dalka Denmarka ay ku xukuntay xarig dhan 6 sano ka dib markii ay ku cadaatey inuu kufsaday gabar caruur ah oo 10 sano jir ah oo u dhalatay dalka Denmarka, Ninkaan Soomaaliga ah oo kufsiga ka geystay magaalda lagu magacaabo Herning gaar ahaana xaafada Gullestrup ee dalkaas Denmarka sanadkii 2011 ayaa waxaa uu gabadhaas ka helay goobaha ay caruurta ku ciyaaraan iyada iyo saaxiibteed oo 9 sano jir ahayd laakiin gabadhaas ayaa goobta ka baxsatey oo ka carartey halkaas iyadoona uu intaas ka dib uu ninkaas uu gabadhaas yar uu halkaas ku fara xumeeyey oo uuna ku kufsaday, Booliisk magaalada oo si deg deg ah ku soo gaarey goobtaas ayaa waxay soo qabteen ninkaas, Booliiska oo soo qabashada ninkaas ka hor sameeyey bariitaan iyo dabagal baaxad weyn leh islamarkaana ay warbixino ka heleen dad marqaatiyaal ah ayaa taasi waxay keentay in si dhaqso ah loo soo qabto ninkaan Soomaaliga ah oo ayna ku cadaatey inuu danbigaas uu geystay oo uu kufsaday gabadhaas yar ee saqiirta. Sidoo kale ayaa ninkaas Soomaaliga ah oo ay indhihiisu ilmada ka qubanayso waxaa uu maxkamada horteeda ka qirtay inuu galay dambigaas asagoona sheegay inuusan aqoon waxa ku kalifay islamarkaana sidoo kale uu diiday inuu si faahfaahsan uga waramo sida ay wax u dhaceen.

Kufsiga uu Wiilkaas Soomaaliga ah uu ka geystay magaaladaas oo in mudo ah ka abuurtey magaaladaas iyo agagaarkeed cabsi weyn oo soo wajahday dadka Soomaalida iyo waliba madowga kale ee ku nool magaaladaas ka dib markii dhalinyaro reer Denmark ah oo ka careysan waxa dhacay ay bar tilmaameedsanayeen dadka madow ayaa arintaas waxay qabowday ka dib markii gacanta lagu soo dhigay ninkaas Soomaliga ah ee kufsashada u geystay gabadhaas yar.

Wiilkaan oo horey loogu soo eedeeye inuu mar hore uu gabar 18 sano jir uu sidaas oo kale uu u kufsado ka dib markii uu mindi ula soo baxay ayaa sidoo kale arintaasna ay u cuskatay maxkamadu, qoyska dhalay gabadhaas yar ee la kufsaday ayaa waxay sheegeen inay u arkaan in xukun yar lagu xukumay ninkaas ayagoona sheegay inaysan ku qanacsanayn xukunkaas islamarkaana ay jeclaan lahaayeen in ninkaas lagu xukumo xabsi daa''in ama xukun waqt dheer ah lagu rido. Thomas Kristensen oo ah gabadhaas yar adeerkeed ayaa waxaa uu sheegay in wixii ka dambeeye kufsiga loo geystay gabadhaas yar uu isbadal weyn ku dhacay nolosheedii, islanamarkaana ay qaaday shook iyo inay soo wajahdo cabsi joogtro ah oo ayna ka baqdo inay kaligeed ay u baxdo banaanka ama ay ku soo dheesho dibada sidii caadada u ahaan jirtey intaan loo geysan kufsigaas.

Ugu dambeyntiina iyadoo ninkaas lagu xukumay xabsigaas ayaa sidoo kale waxay maxkamadu ay amartey in ninkaas markii uu xarigiisa soo dhamaysto laga musaafuriyo dalka Denmark, Laakiin garyaqaanka u doodaayey ninkaas Soomaaliga ah ayaa arintaas ka hor yimid asaoona sheegay inaan ninkaan loo celin karin magaalada Muqdisho maadaama ay tahay meel aan nabadeeda la isku haleyn karin




Abdirizak M. (Xiireey)
Holland
Abdirizakxiireey@hotmail.com







_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog