Iyadoo
indhawaalaba ay jirtay hadal heyn ku aadaneyd isku shaandheyn iyo ballaarin la
doonayay in lagu sameeyo Golaha wasiirada Soomaaliya ayaa warar soo baxaya
sheegayaan inuu gabo gabo ku dhow yahay qorshahaas.
Golaha
Wasiirada oo xilligan ka kooban 10-wasiir ayaa qorshuhu yahay in la ballaariyo,
lagana dhigo 18-wasiir, si loo kala qaado wasaaradaha is dul saaran oo qaarkood
ka timid dhaliilo ku aadan habka ay u shaqeeyaan, isla markaana wasaarado qaar
noqdeen kuwo howshooda ku milmay wasaarado kale.
Arrimaha
ugu weyn ayaa ah in dib lagu saxo qaabka awood qeybsiga dowladda ku dhisan
tahay, kaasoo horay beelaha qaar ay saluugsanaayeen sida wax loo dhisay, isla
markaana meesha looga saaro guux u badneyd mucaarado oo dowladda Soomaaliya uga
imaaneysay dhinacyo u badan siyaasiyiin miisaan culus leh.
Warar
ay heshay newbanaadir.com ayaa sheegaya in markii hore qorshuhu ahaa in isku
shaandheynta ay dhacdo kadib shirka London ee maalin ka hor la soo gaba
gabeeyay, waxaana horay u jiray in Madaxda dowladda ay isla wadeen qorshahan
isku shaandheynta.
Inkastoo
wararka ay yihiin kuwo horu dhac ah, hadana waxaa ugu weyn in Wasiiro ay weyn
doonaan xilalkooda, waxaana la hadal hayaa in ilaa afar wasiir ay meesha ka
bixi doonaan, kuwaasoo ay kala yihiin Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo
Isgaarsiinta C/llaahi Ciilmooge Xirsi, Wasiirka Howlaha guud, Wasiirka
Kheyraadka dalka iyo wasiir kale oo aan magaciisa wali helin.
Wararka
qaar ayaa sheegaya in Golaha wasiirada cusub ay ka soo muuqan doonaan wasiiro
horay xilal uga soo qabtay xukuumadihii dalka soo maray, balse wali ma cada.
Sidoo
kale waxaa suura gal in wasiirada hada ka dhex muuqda golaha wasiirada ay dib u
soo laabtaan, gaar ahaan wasiirada garabka Madaxweynaha Soomaaliya.
Is
bedelka lagu sameynayo Golaha Wasiirada ayaa noqonaya kii u horeeyay, tan iyo
markii Ra’iisul Wasaare Saacid uu soo magacaabay Golihiisa Wasiirada oo ahaa
tiradii ugu yareyd Xukuumadihii soo maray dalka.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
