Iyado
ay wanaagsantahay in la qaato talooyinka muhimka ah oo ay qubrada caafimaadka
so jeediyaan ayaa haatan waxa waalidiinta lagula taliyey inay ubadkooda siiyaan
caano badan iyo cuntooyinka kale ee ay ka buuxdo macdanta Calsium si
caafimaadka lafahooduu fiicnaado.
Ha
yeshee cilmi-baadhis khubaro caafimaad oo Maraykan ah ay sameyeen ayaa
iftiimiyey in lawsku muhiimad weyn u leeyahay korriinka lafaha carruurta yaryar
ee xaalada koriinka ah ku jirta.
Daraasaddan
oo lagu soo bandhigay kulan ururka dhakhaatiirta cudurrada carruurta ee dalka
Maraykanku ku yeesheen magaalada Washington DC, waxa lagu sheegay in cuntada
macdanta Magnesium ku badan tahay door muhiim ah ka ciyaarto korriinka lafaha.
Nafaqada
badan waa furaha ubadka u horseedi kara inay lafahoodu noqdaan qaar caafimaad
qaba, gaar ahaan cuntada Magnesium ku badan tahay. Calcium laf ahaanteedu waa
muhiim, laakiin cilmi-baadhistayada waxa nooga soo baxday in Magnesium-ka ka
faa’iido badan tahay.” Sidaa waxa yidhi Dr. Steven Abrams
oo ah macallin cudurrada carruurta ku takhasusay oo wax ka dhiga Kulliyadda la
yidhaa Baylor College oo ku taal magaalada Houston, daraasaddanna madax ka
ahaa.
Lakin
khubaradu ma ay sheegin in cuntada Magnesiumtu ku badan tahay sida lawska u
fiican tahay lafaha dadka waaweyn
Dhakhaatiirta
cilmi-baadhistan fuliyey waxay baadhitaan ku sameeyeen 63 carruur ah oo
caafimaad qaba, da’dooduna u dhexayso 4 ilaa 8 jir, kuwaas oo laga
ilaaliyey inay faytamiinno amma macdanon kale cunaan inta tijaabada lagu
samayanayo, waxana muddo lagu hayey cusbitaal, iyadoo la cabbirayey xaddiga
Calcium ah iyo Magnesium ee jidhkooda ku jira.
Cuntooyinkii
muddada daraasaddu ku socotay la siinayey waxay ka koobnaayeen xaddiyo isku mid
ah oo macdanaha Calcium iyo Magnesium ah, iyadoo kaadida laga qaadaayey muddo
72 saacadood ah.
Si
kastaba ha ahaatee waxay cilmi-baadhistu ku soo ururtay in maadada Magnesium-ku
aad u koriso awoodda iyo adayga lafaha carruurta, halka ay tilmaameen in
Calsium aanay la mid ahayn oo ka awood yar tahay.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
