Wasiir
Kamid ah Wasiirada Xukumadda Soomaali oo nin shaqada uga ceyriyey qabiil
dartiis!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)
Mid ka mid ah golaha wasiirada Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay inuu shaqada
ugu ceyriyey madaxa ciidamada u qaabilsan amaanka wasaaradiisa maadaama aysan
isku qabiil ahayn.
Dhacdadaan
la ayaabka leh oo ay dhawaantaan shaacisay wariyaha Soomaaliyeed Shukri
Maxamuud Afrax xilli ay kaga qeyb galaysay magaalada Nairobi ee dalka Kenya
munaasabad lagu daahfuraayey buug cusub oo ay soo bandhigtay Dahabo Cumar
Maxamed oo looga hadlaayey burburka iyo isbadalka ku dhacay maamulka dalka
Soomaaliya ayaa munaasabadaas hadal ay ka jeedisay Shukri Maxamuud Afrax waxay
ku tibaaxday inay dhawaantaan soo gaartey oo ay maqashay arintaan la yaabka leh
oo ah in nin wasiir ah uu madaxa ilaalada amaanka wasaaradiisa uu u sheegay
inuu isaga tago goobtaas maadaama ay wasaaradaas ay joogaan dad qabiilkiisa ah
asagan uu raadsado wasaarad ay joogaan qabiilkiisa iyadoona uu ninkii uu iska
xaadiriyey wasaarada ay qabiilkiisa ku sugnaayeen uuna u sheegay in halkaan loo
soo badalay arintaas oo ah wax lala yaabo run ahaantii islamrkaana muujinayso
is aamin la'aanta wali dhextaala dadka Soomaaliyeed
Ugu
dambeyntiina iyadoo wixii ka dambeeyey bur burkii dalka Soomaaliya ay
isbadaleen waxyaabo badan islamarkaana aysan jirin cid wax ka qabatey ayaa
maamulka hab dhismeedka dowligu uu ka mid yahay waxyaabaha isbadalay oo uuna ka
jiro is dhexyaac iyo fowdo baaxsan oo wax kaqabasho u baahan, iyadoona
maamulada iyo madaxdii dowladihii uu soo maray dalka Soomaaliya aysan wax wey
oo la taaban karo aysan ka qaban arintaas.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
