Hooyadani oo 18 jir ah ayaa waxaa ay dishay canug yar oo ay dhashay kaasoo dhalnaa labo maalmood oo kaliya, iyadoo sheegtay in canuga ay u dishay si ay wax barashadeeda u dhameysato.
Ciidamada amaanka ee dalka Hindiya ayaa gacanta ku soo dhigay hooyadiisa oo lagu magacaabo Suneeta Yadav xilli ay ku sugneyd gurigeeda oo ku yaala degmada Shahdol ee gobolka Madhya Pradesh ee dalka Hindiya.
Hooyadaasi oo ah arday ayaa waxaa gashay imtixaankii ugu dambeeyay ee dugsiga sare ka hor inta aysan foolanin. Wax yar kadib, ayaa waxaa loola soo cararay isbitaal ku yaala isla degmada Shahdol halkaasoo ay ku dhashay canug wiil ah.
Labo maalmood kadib markii ay joogtay isbitaalka ayaa marqura waxaa la waayay iyada iyo canuugeeda, sida ay sheegtay kalkaaliso shaqada xilliga ku jirtay.
Kadib baadi goob, booliska Hindiya waxa ay ganacta ku dhigeen ninkii qabay hooyadaasi kaasoo sheegay in uusan ogeyn halka ay ku suganyihiin canugiisa iyo xaaskiisa.
Howlgalo dheeri ah kadib ayaa waxaa gacanta lagu soo dhigay hooyadii dhashay canugaasi oo su’aalo raaxada looga qaaday.
Hooyadaasi oo su’aalo la waydiinayay labo maalmood oo xeriir ayaa ugu dambeyn qiratay in ay qaarijisay canugeeda, iyadoo ku andacootay in ka hor istaagayo in ay sii wadato waxbarashada.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
