Fu’aad Maxamed Shangole, oo ka mid ah horjoogayaasha Al-Shabaab ayaa sheegay in galabta deegaan u dhow tuulada Raama-caddey ay rag hubaysan oo taageersan horjoogaha ugu sarreeya Al-Shabab Axmed Godane ay ku dileen Cumar Xamaami oo sidoo kale loo yaqaan Abuu Mansuur Al-Amriiki.
Shangole, oo caawa maqribkii muxaadaro ka jeediyay masjidka weyn ee magaalada Buulo-barte ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in rag uu ku tilmaamay ‘murtadiin’ ay Abuu Mansuur Al-Amriiki dil gaadmo ah u geysteen, wuxuuna sidoo kale xaqiijiyay in iska hor imaad ka dhacay goobta lagu dilay Al-Amriiki ay ku geeriyoodeen tiro maleeshiyo Al-Shabaab ka tirsanayd.
Fu’aad Maxamed Shangole wuxuu sheegay in dhowaanahaan kooxo ka tirsan Al-Shabab ay qorsheynayeen shirqool lagu dilayo Abuu Mansuur Al-Amriki, oo si weyn uga soo horjeeday fikradaha Axmed Godane.
Al-Amriiki ayaa dhowaan bogga internetka ee Twitter soo dhigay sawirro muujinaya dhaawacyo ka soo gaaray isku day lagu doonayay in lagu dilo, wuxuuna ku eedeeyay Axmed Godane in uu doonayo in la dilo shisheeyaha ka garab dagaallama Al-Shabaab.
Ibrahim Afqaan oo ka mid ah horjoogayaasha sarsare ee Al-Shabab ayaa dhowaan warqad uu u diray hoggaamiyaha Al-Qaacidda Eyman Al-Dawaahiri ku sheegay in kala dambeyn la’aan ba’an ay ka dhax jirto horjoogayaasha sarsare ee Al-Shabaab.
Ma jiraan ilo-wareedyo rasmi ah oo caddeynaya dilka Abuu Mansuur Al-Amriiki marka laga reebo hadalka uu caawa Fu’aad Shangole ka sheegay Buulo-burte. Dhowr goor oo hore waxaa beenoobay warar sheegayay in la dilay Omar Hammami.
Dowladda Mareykanka ayaa dhowaan lacag shan milyan oo doollar dul dhigtay madaxa Abuu Mansuur Al-Amriiki.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
