Madaxweynaha Soomaaliya oo Lagu Wado in oo u amba baxo Dalka Japan

Sunday, May 19, 20130 comments


Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya ayaa waxa ay maanta shaacisay in madaxweynaha Soomaaliya uu dhawaan tegi doono dalka Jabaan ee qaarada Aasiya kadib casuumaad uu ka helay xukuumada Tokiyo.

Marwo Fooziyo Yuusuf Xaaji, Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya, oo ka timid maanta dalka dibadiisa ayaa waxa ay sheegtay in ay ku maqshquulsaneyd waayahaan qaabkii ay u salixi laheyd safarro ay dhawaan isu diyaarinayaan oo uu kamid yahay safarka Madaxweynuhu oo Jabaan ku aadayo.

Ma sheegin wasiirku xilliga rasmiga ah ee Madaxweynhunu uu Jabaan tegayo iyo xilliga uu ku maqnaan doono hasa yeeshee waxa ay daaha ka rogtay in uu socdaalkaasi jiro.

Waa markii ugu horeysay ee madaxwenaha Soomaaliya uu safar ugu anba baxayo qaarada Aasiya kadib markii uu ku guuleestaty kursiga quwada badan ee ah derejada ugu sareysa dalka.

Dalka Jabaan ayaa waxa uu kamid yahay qolyahaa safka hore uga jira dhaqaalaha dunida waxaana socdalka madaxweynaha la filayaa in uu Soomaaliya u noqdo fursad cajiib ah.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog